Hargeisa,Waxaad ogaataa in aanu ololahani ahayn isdiiwaangalin cusub. Dadkii hore isu diiwaangaliyey ayuunbaa heli karo kaadhka cusub.Haddii  aad tahay 16 jir iyo wax ka weyn, isna diiwaan galisay xilligii Isdiiwaangalintii hore , waa in aad ku laabata goobtii aad hore isaga diiwaan galisay si aad u qaadato kaadhkaaga cusub ee codeynta inta u dhexeysaa 13 ilaa 19ka bishan May ee aynu ku jirno.

 

Si aad u qaadatid kaadhkaaga cusub waa in aad la timaadaa kaadhkaagii hore meeshii aad markii hore iska diiwaangalisay;

 

Waa in aad qaadatay kaadhka cusub si aad u codeyn karto Doorashada Madaxtooyada;

Waa in aad si shakhsiyan ah u doonataa kaadhkaaga cusub, sababtoo ah cid kale kuuma soo qaadi karto;

Waa in aad kaadkaaga cusub ka doonataa goobtii aad markii hore iska diiwaangalisay;

 

Haddii aad ilowday goobtii hore ee aad iska diiwaangalisay markii hore, waxaad tagi kartaa Xafiiska Doorashooyinka Qaranka ee Degmada si aad u ogaatid goobta aad ka doonan kartid kaadhkaaga;

Kaadadhka cusub waxa laga doonan karaa goobaha lagu bixinayo inta u dhaxeysaa 13ka ila 19ka bisha May ee aynu ku guda jirno.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *