Libya(ANN)Madaxweynaha dalka Libya, Moammar al-Qadafi, oo ka hadlayey shirka dalalka Carabta uga socda magaalada Sirte ee dalkiisa, ayaa ka digay codbixinta Koonfurta Soodaan inay horseedi doonto gobollo badan oo ka tirsan qaaradda Afrika inay ka go’aan dalalkooda, isagoo

 tusaale u soo qaatay Somaliland.  

Shacabka Koonfurta dalka Sudan ayaa bisha January ee sanadka soo socda laga qaadi doonaa codbixin uu kaga tashanayo aayahiisa (referendum), taasoo loo badinayo inuu ku dooran doono madaxbanaani uu kaga madaxbanaado dalka intiisa kale.

Qadafi ayaa sheegay in haddii ay shacabka Koonfurta dalka Soodaan u coddeeyaan madaxbanaani ay arrintaasi  ku dayan doonaan gobollo badan oo ka tirsan dalal ku yaal qaaradda Afrika, sida Somaliland,  Saxaraha  galbeed iyo kuwo kale,  kuwaas oo ka go’i doona dalalka ay hadda katirsan yihiin. Ayuu yidhi Qadaafi.

Qadafi wuxuu arrinta codbixinta aayo katashi ee Koonfurta Soodaan ku tilmaamay inay la mid tahay cudurada faafa.

Dhawaaqa xiligan kasoo yeedhay Mr. Qadafi ayaa waxaa gaashaanka ku dhuftay siyaasiyiin ka tirsan Koonfurta Soodaan. Ambassador John Andruga Duku, oo hore  u ahaa ergay, ayaa VOA-da u sheegay in hadalka Qadafi uu yahay isku-day uu xisbiga haya talada dalka Sudan (NCP) ugu talagalay inuu ku carqaladeeyo cobixinta aayo katashi ee shacabka Koonfurta Soodaan.

“Waxaan leeyahay xaqiiqiyan taas sal malaha, sababtoo ah xaaladda ka taagan Koonfur Sudan iyo tan Sudan way kagadisan tahay xaalad kasta oo ka jirta Afrika,” sidaas waxaa yiri Ambassador Duku.

Qadafi wuxuu carabka ku adkeeyey in go’itaanka Koonfur Soodaan uu noqon doono tusaale khatar ah, kaas oo curyaamin doona maalgashiga debedda ugu imanaya Afrika ee sida weyn  loogu baahan yahay oo ay xiligan jiraan shirkado kusoo dhiiranaya inay Afrika maalgashi ku sameeyaan.

Ambassador Duku oo taas ka jawaabayey ayaa VOA-da u sheegay in shacabka Koonfurta Soodaan uu waligiiba ku noolaa cadaadiska reer Waqooyiga, taas oo uu ku tilmaamay inay sabab u ahayd dagaalkii sokeeye ee waqtiga dheer socday.

Shacabka Koonfur Soodaan ayey ka go’antahay  xiligan inay ka go’aan dalka Soodaan intiisa kale, waxayna  codbixinta sida weyn loo sugayo ee  indhaha loogu hayaa ku beeggan tahay January 3 – 5, 2011.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *