Djibouti(ANN)Golaha dastuurka Djibouti ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashooyinkii Baarlamaanka ee dalkaa ka  dhacay bishii hore. Xisbiga talada haya

ayaa helay 55 kursi halka mucaaradku heleen 10 kursi.

Natiijada Doorashada ayay hore mucaaradku u qaadaceen, isla markaana waxay sheegeen in aanay aqbalayn marnaba natiijada doorashada iyagoo ku doodaya inay xukuumaddu ku shibatay oo la musuq-maasaqay .
Dhinaca kale ku dhawaaqista natiijada doorashada ayaa kusoo beegantay, iyadoo manta  maxkamad ku taalla magaalada Djibouti la  hor geeyay  Daahir Axmed Faarax  (Daaf)oo ahaa hoggaamiyaha mucaaradka USN, kaas oo lagu eedeynayo inuu abaabulay banaanbax ay sameeyeen mucaardka iyo taageerayaashoodu  markii ay soo baxday natiijadii hordhaca ahayd bishii hore.
Sidoo kale dhawaaqa natiijada ayaa kusoo beegmay . kadib markii maxkamad ku taal dalka Djibouti  xukun dhawr sanadoo ah ugu riday sadex wadaad oo ka mid ahaa axsaabta mucaaradka, kuwaas  oo ka qaybgalay tartankii doorashada.
Tirada kuraasta mucaaradku heleen ayaa noqonay tii ugu badnayd  ee ay helaan mucaaradku  taariikhada dalka Djibouti.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *