Washington(Arawelo News Network) Aqalka Cad ee Maraykanka ee loo yaqaan (White House), ayaa lagala cararay Madaxweyne Obama oo xiligaa

 

ku jiray kulan uu saxaafada kula hadlay. Kadib markii ciidanka lagu magcaabo Secret Sirvice ee ilaalada khaaska ah ay ku war heleen inuu gudaha usoo galay barxada gurigaa Jimcihii Nin hubaysan  oo sita Mindi iyo waxyaabo kale oo ku jira bogos yar oo uu sitay.


Afahayeen u hadlay Ilaalada khaaska ah ee Aqalka Cad oo lagu magcaabo Mr. Ed Donovan, ayaa sheegay in ay arkeen Ninkaa oo si sharcidaro ah usoo galay gudaha aqalka cad. Kadibna ay qabteen, isla markaana su’aalo la weydiinayo ninkaa oo magaciisa lagu sheegay Omar J. Gonzalez,isla markaana ah 42 jir u dhashay gobolka Taxas.


Saraakiisha amaanka ayaa sheegaya in Ninka la qabtay uu ka mid ahaa askartii Ciidamada Maraykanka ee ka dagalamay dalka Ciraaq, iyadoo su’aalo la xidhiidha ujeedadiisa la weydiinayo.

Madaxweyne Obama iyo haweenaydiisa oo ku sugnaa gudaha aqalka cad ayaa deg deg loola cararay, waxaana la geeyay dhinaca goobta lagu magcaabo Camp David. sidoo kale waxa laga daad gureeyay Aqalka cad madaxda kale ee joogtay iyo hawlwadeenada ku sugnaa, taas oo cabsi weyn ku abuurtay madaxda dawlada Maraykanka iyo Hay’addaha amaanka oo ay layaab ku noqotay sida uu kusoo gaadhay qof hubaysan goobta barxada Aqalka cad ee Madaxweynuhu caadiyan ku qabto kulamada saxaafadda.

Afhayeenka Aqalka Wakiilada ee kasoo jeeda Xisbiga Rep. Jason Chaffetz, ayaa ku baaqay in wax weyn laga bedelo oo dib u habayn lagu sameeyo dhismaha Hay’addaha amaanka, wuxuuna tilmaamay in aan la aqbali Karin dhacdadaa oo kale.

Dhacdadaa, ayaa sababtay in la xidho muddo ka badan 24  saacadood lab ka mid ah Weriyayaasha Telefishanada ee soo saara Barnaamijyada, kwuaas oo ilaalada Aqalka cad su’aalo weydiinayeen.

Madaxweyne Obama ayaa bedelay, ayaa markii u horaysay haweenay u magcaabay xilka Hay’adda Secret Service. Kadib fadeexado soo taxnaa sanadihii u danbeeyay oo la xidhiidhay shaqadooda, waxaana la xusuusanyahay in 13 ka mid ah Ilaalada madaxweynaha ee khaaska ah ay sanadkii 2012, galeen fadeexado xili lagu jiray in Madaxweyne Obama  booqasho ku tago Colombia, balse sanad ka dib ayaa fadeexado kasoo baxeen maalin ka hor booqasho uu doonayay inuu ku tago Madaxweyne Obama Dalka Netherlands, March 2013, kadib markii la ogaaday in laba sarkaal oo ka mid ahaa Ilaalada Madaxweyne Obama la helay in ay sameeyeen cabitaan Khamri badan iyo in ay la raaxaystaan haween ay la sameeyeen galmo Huteel ku yaal Dalka Holland, taas oo noqotay fadeexad weyn oo  Obama ku kaliftay inuu Haweenaydaa u magcaabo Agaasimaha Hay’adda Secret Sirvice.

Araweelo News Network
Somaliland Office

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *