Hargeysa(Araweelo News Network) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in

 

Saraakiisha Ciidanka Qaranka ee todobaadkii hore lagu dilay deegaanka Qori-lugud oo ahaa halyeeyo ka dhintay qaranka Somaliland iyo Ciidanka Qaranka looga faa’idaysto arrimo siyaasadeed iyo qabyaalad oo laga dhigo reer.

“Dhacdadii Qori-lugud waan tacsiyaynaynaa, waxaad oggaataan in aynu nahay qaran, haddii Nin Boolis ah oo shaqo qaran ku jiraa uu dhinto Booliska iyo Qaranka ayuu ka dhintay, Haddii uu faranta ku dhinto, ama cadaw ha dilo, ama xabad saaxiibkii ha ku dhacdee, wuxuu dirayska u qaatay waa difaaca qaranka in la qabyaaladeeyo iyo in la siyaasadeeyo waa foolxumo qarana kuma noqonayno sidaa.” Ayuu yidhi

Guddoomiyaha UCID, wuxuu sidaa ka sheegay kulan qasriga Madaxtooyadd Somaliland lagu qabtay oo geba gebadiisa lagu shaacinayay in laga heshiiyay murankii diwaangelinta ee u dhexeeyay Labada xisbi mucaarad iyo xukuumadda Somaliland.

“Halkan aad hadda joogtaan (Madaxtooyadda), waxa lagu dilay Taliyhii Madaxtooyadda oo Reer Buuhoodle Laascaanood ahaa xiligii Marxuum Cigaal, lagama Dhigin  Reer oo lama qabyaaladayn, wuxuu  ahaaa Nin qaran oo inaga dhintay, balse Dawlada waxa looga baahanyahay in marka wax dhacaan ay si sax ah u sheegto wuxuu dhacay oo la tacsiyeeyo, waana in arrintan oo kale Generaalka Ciidanku ka hadlaa” ayuu yidhi Eng Faysal oo ka hadlay dhacdadii Labada Sarkaal ee lagu dilay Qori-lugud iyo mudaharaadkii ka dhacay Gebilay Jimcihii todbaadkan oo sababay in ay ku dhaawacmaan dhawr qof oo shacab ah.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, waxa uu sheegay in haddii dawladu si faah-faahsan uga hadliweydo dhacdooyinkan oo kale ay ka faa’idaysan karaan cadawga Somaliland oo waxyaabo aan jirin Bulshada loo sheegayo, wuxuuna dawlada usoo jeediyay in ay Ciidamada RRU, ka daayaan in loo adeegsado dadka mudaharaadaya, “Waxaynu nahay qaran, Boorama waxba kama dhicin Gebilayna waxaan leenahay kuwii dhaawacmay Ilaahay ha daweeyo” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *