Hargeysa(Araweelo News Network) Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga hadlay dilka labadii sarkaal ee Ciidanka Qaranka oo

 

todobadkii hore nin ka mid ah Ciidanka Guutada 17aad ee fadhigeedu yahay Qori-lugud ku fuliyay dil toogasho ah kadibna u baxsaday dhinaca Magaalada Buuhoodle.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay kulan ay manta wadajir ugu qabteen qasriga Madaxtooyadda Somaliland Madaxweyne Xigeenka Somaliland iyo Labada Guddoomiye ee axsaabta Mucaaradka, waxa uu sheegay in ugu horayn uu ka tacsiyaynayo Labada Saraal ee la dilay  Ciidanka Qaranka,  Qoysaskoodii iyo qaranka Somaliland, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid nasiibdaro gudeheena ah, balse loo baahanyahay in aan laga dhigin sidii dad shacab ah saraakiisha la dilay, maadaama ay ahaayeen Ciidan qaran.

 

Guddoomiye Biixi, isagoo arrintaa ka hadlaya, wuxuu yidhi,  “ Arrinta dhacday waa nasiibadaro ku dhacday gudeheena, arrimaha Ciidanku waa ka duwanyihiin kuwa shicibka, markaa arrintaa oo aan ahayn ta shicibka ee suuqa lasoo dhiyay waxaynu uga danbaynaynaa Jaran-jarada Ciidamada Commander in Chief-ka Ciidamada waa  Madaxweynaha, Waxa ku xiga wasiirka Gaashaandhiga, Taliyaha.”

Waxa uu sheegay in Ciidamadu leeyihiin Maxkamaddo iyo shuruuc u gaar ah, isagoo yidhi,  “Ciidamadu waxay leeyihiin Maxkamaddo iyo sharcigooda oo gaar u ah, markaa sida had iyo jeer ciidamadu uga duwan yihiin kuwa shicibka, waxaana loo deynayaa sharcigooda, ma  jirto cid ka raali ah arrinta qof walba oo Somaliland ah wuu ka xumaaday, waxaase inagu waajib ah dhamanteen in gacan ku dhiiglihii lasoo qabto meel walba oo uu tago aduunyada ma dhaafayo, wixii denbigaa ku lug lahaa ee sir iyo caad lagu tuhmona waa in gacanta lagu soo dhigaa, inteena kale waxa inagu waajib ah in arrintaa nabad iyo wanaag mooyee aynaan belaayo ka doon doonin.”  Ayuu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye.

Muuse Biixi, waxa uu sheegay in aanay maanta ahayn maalintii lays eeg eegayay, wuxuuna warbaahinta iyo axsaabta mucaaradka ugu digay in aanay dab ka shidin dalka gudihiisa, isagoo yidhi, “waxaan usoo jeedinayaa warbaahinta iyo Mucaaradka in aanay arrintaa u eegin si khaldan oo aanay dab dhexdeena ka shidin oo ay si miisaan leh u eegaan” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *