Hargeysa(ANN)Dadweynaha Magaalada Hargeysa ayaa saaka ku waaberiistay  Rasaas xoog baddan oo sawaxanka iyo dayaankeedu  dad baddan ka toosiyay hurdada, taas oo bilaabantay waxyar ka dib markii laga

 

soo baxay salaadii subax.
Dad goob joog ah ayaa u sheegay Araweelonews inay rasaastu bilaabantay.  Kadib markii ciidmada Milateriga oo ku sugnaa goob dhul laysku haystay oo deegaanka Koonfur Bari ee Magaalada Hargeysa duleedka Wersheda Kabista oo xerro ciidan ah ay soo weerareen malayshiyo  ku muransanayd  dhulkaa, balse la doonayay in laga saaro, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Ma jiraan warar faahfaahsan oo ilaa hada kasoo baxay rabshadaa iyo inta uu leegyahay baaxada khasaaruhu, balse saraakiisha Cusbitaalka Guud ee hargeysa ayaa u sheegay Araweelonews in la keenay Maydka laba qof oo Nin iyo Qof Dumara. Sidoo kalena lasoo gaadhsiiyay Cusbitaalka sadex qof oo dhaawac ah, balse waxa jira warar sheegaya in khasaaruhu intaa ka badanyahay, iyadoo weli aanay xaaladu deganayn, isla markaana la maqlayo dhawaaqa rasaasta ka socota goobtaa.
Wixii war ah ee kasoo kordha kala soco Araweelonews.com

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *