saylici iyo xasan siciidHargeysa(Araweelo News Network)Gudida Fulinta ee dhowaan ay liiskooda shaaciyeen shirgudoonkii shirweynaha Kulmiye oo uu hogaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan

 

Cabdillaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa shaaciyay in shirkii gudida fulinta ay qabanayaan 1 Jun 2014, taas oo ku beegan dabayaaqada todobaadkan.
Xubnaha gudida Fulinta ee maanta ku iclaamiyay kulnka ay ku qabteen Maansoor Hotel ayaa ah kuwo magaabistooda khilaaf weyni ka taaganyahay, kuwaas oo Gudoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi ka dhigay waxba kama jiraan kadib markii uu soo saaray liis cusub oo ka kooban 35 xubnood.
Haseyeeshee xubnahan ayaa ku difaacay shrciyada liiska gudida fulinta ee shirgudoonka shirweynuhu soo saareen, sidoo kale waxay daadafeeyeen hadalo maalmihii u danbaysay ay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Iyo Ku-xigeenkisa Koowaad Maxamed Kaahin ay warbaahinta mariyeen, waxayna ugu baaqeen Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahinba in ay ka soo qayb galaan shirkaa ay mudeeyeen, balse waxay carabka ku dhifteen in maqnaanshaha Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenku aanay waxba u dhimayn.

Xubnaha Guddida Fulinta ee kulanka yeeshay maanta ayaa liiska maacyadooda goobta laga xaadiriyey, waxayna xuseen xubnaha shirkaa iclaamiyay ayaa sheegay in ay dhamaatay baryadii iyo ergayntii mar kasta loo gali jiray labada Oday ee ka maqan(Muuse iyo Maxamed), iyagoo ku dooday in ay ugu baaqayaan in ay sharciyada ku soo noqdaan oo aanay aflagaado iyo kicin aan meel mar ahayn Ummadda ku jahawareerin.

Si kastaba ha ahaatee xubnaha gudidan lagu muran sanyahay ee maanta ku dhawaaqay in ay qabanayaan shir ay ku dooranayaan hogaankooda ayaan la ogayn qaabka ay suurta gal u noqonayso, maadama ay ka maqanyihiin Gudoomiyihii iyo Gudoomiye ku xigeenkii, balse waxa hada kooxdaa ku biiray xoghayaha guud ee xisbiga Xasan Siciid Yuusuf oo intii khilaafku socday la safnaa Kornaylada u sareeya xisbiga, waxayna ku adkaysanayaan kooxda iclaamisay shirku in mudada la shaaciyay la qabanayo shirkaa oo aan Gudoomiyaha Iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa kowaad waxba kaga xidhnayn.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *