saleebaan1Hargeysa(Araweelo News Network) Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay si deg deg ah dalka ugu soo laabtay ayaa maanta magacaabay guddi ka tirsan

 

Golaha Guurtida oo ka kooban 16xubnood, kuwaas oo loo xilsaaray sidii xal loogu heli lahaa khilaafka xisbiga Kulmiye ee cirka isku shareeray oo sababay in ay kala qaybsamaan hogaankii xisbigu.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo xubnaha gudidaa kaga dhawaaqay fadhigii golaha guurtida ee maanta, waxa uu ka hor intii aanu ku dhawaaqin xubnaha gudida u sheegay golaha in gudida uu arrinta khilaafka u xilsaarayaa noqonayaan kuwo culus, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Guddi balaadhan ayaan u saaray khilaafka KULMIYE, nin waliba ninka uu ka weyn yahay ayaan u xulay, inammo dhalinyaro ah oo  firfircooni way jiraan, laakiin maanta jilib-culusta ayeynu u saareynaa, waxaan jecelahay mar haddii aad nala qaadateen in arrintaa khilaafka Kulmiye gudi loo saaro in la yeedhiyo Magacyadii xubnaha gudida”
Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali ayaa golaha hortiisa ka yeedhiyey liiska guddida loo saaray turxaan bixinta khilaafka Xisbiga KULMIYE.

Guddidan oo ka kooban 16 xubnood oo ay ku jiraan saddexda xubnood ee shirgudoonka, waana kuwan Magacyadda 13 xildhibaan oo loo xulay arrintaa.

Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe)

Muxumed Aw Maxamed

Cawil Xuseen Axmed

Nuur Riyaale Khayre

C/qaadir Maxamed Xasan(Indho Indho)

Axmed Muuse Obsiye

Sheekh Maxamuud Xirsi Faarax

Cabdiqaadir Aw Xuseen

Axmednuur Aw Cali

Maxamed Jaamac Abokor

Maxamuud Xareed

Saleebaan Garas Seed

Yuusuf C/laahi Cawaale

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *