Hargeysa(ANN) Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xafiiskiisa Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ay hogaaminayso Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay,, isla markaana ah ku xigeenka Komishanka Xuquuqal isaanka ee Qaramada Midoobay haweenayda lagu magcaabo, Mme Kyung-wha kang.
Madaxa Weftiga Mme Kyung-wha kang ayaa Marka Horeba Madaxweynaha u gudbisay Hambalyo ay ka sido Madaxa Komishanka Sare ee qarmada midoobay qaybteeda Xuquuqda Aadamaha. Sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay kulankaa ka dib Madaxtooyada Somaliland.
Warsaxaafadeedkaa oo nuxur ahaan u dhignaa sidan, “Madaxa weftigu waxay Madaxweynaha Si aada ugu Amaantay Go’aankii uu ku sii daayey Dadkii Siyaasada u xidh-xidhnaa isla markii uu talada la wareegay waxanay ku tilmaantay Madaxweyne ku dayasho Mudan.
Madaxa Weftigu Mme Kyung-wha kang waxa kale oo ay Madaxweynaha u balan qaaday in uu Komishankeedu Somaliland kala Shaqayndoono Horu-marinta Xuquuqal Isaanka.
Madaxweynaha JSL Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD ( Siilaanyo), ayaa isaguna Weftiga u balbalaadhiyey siyaasada Xukuumada ee Dhinaca Xuquuqal Isaanka Waxaanu Madaxweynuhu u sheegay Weftiga inay Somaliland Mabda u tahay ilaalinta Xuquuqal isaanku Xukuumaduna ay sidaa ku shaqaynayso.
Dhinaca Somaliland waxa Madaxweynaha ku Wehelinaayey kulankan Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Prof: Ismaaciil Muumin Aar.
Magacyada Xubnaha wefdiga iyo Ha’ayadaha ay ka socdeen waxay ahaayeen sidan;-
Mme Kyung-whakang DHC (VIP), Scott Campbell, OHCHR- Geneva, Africa Division,
Fiona Adolu, UNPOS HRO, Joachim Schmitz, UNPOS Security Chief,
Sandra Beidas, Head of Human Rights, UNPOS/OHCHR.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380