Hargeysa(ANN)Ciddamadda Boliska Somaliland ayaa maanta Xabsiga u Taxaabay Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Xisbiga mucaaradka UDUB  oo lagu C/xaliim  Maxamed Muuse  oo hore  u ahaan jiray Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga ee Xukuumaddii Rayaale ee lagaga adkaaday doorashadii

madaxtooyada Somaliland ee dalka ka dhacday 26 Jun 2010.
C/xaliim oo caawa weriye ka tirsan shebekada Araweelonews khadka taleefoonka kula xidhiidhay si uu wax uga weydiiyo xadhiga loo geystay ayaa sheegay inuu saaka Taliska guud u geeyay dacwad ay kaga dacwoonayaan dhismaha Khayriyadii hore ee Hargeysa  oo xafiis u ahayd xisbigooda, balse cagaf la geliyay iyadoon waxba loo sheegin, isla markaana agabkii xafiiska ee xisbiga iyo alaabtoodiiba la burburiyay.
Hase yeeshee sida uu sheegay markii  uu halkaa tegey loo sheegay inay madaxdii Boolisku ku jiraan shir, balse markii uu kasoo laabtay isagoo ku jira xarunta Taliska Booliska ay suxufiyaan goobta yimi wax weydiiyeen oo uu ka jawaabay ujeedada waxa uu u socday, taas oo uu sheegay in lagu qabsaday shirkaa jaraa’id ee uu ku qabtay taliska guud.
Ku simaha Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, waxa uu sheegay in markii arrintaa lagu qabsaday ee loo sheegay inay khalad tahay inuu saxaafada kula hadlo xarunta Taliska Guud. Kadib la qabtay oo la geeyay xarunta laanta baadhista Denbiyada ee Booliska (CID), halkaas oo sida uu sheegay uu ku xidhnaa mudo dhawr saacadood ah, balse lasii daayay markii danbe oo xoriyadiisii loo soo celiyay.
Mar uu ka jawaabayay cida burburisay xafiiskaa uu sheegayo, waxa uu yidhi, “xisbiga UDUB  waa xisbigii doorashada laga helay ee wareejiyay, waa xisbi qaran, waxay goobtaasi u ahayd xafiis mudo toban sanadood ah oo waa halkii ugu horaysay ee laga furay oo waxaanu haynaa warqad Marxuum Cigaal  qoray, ma diidanin inay dawladu leedahay meesha. Laakiin iyadoon waxba naloo sheegin oo aan nootiis nala siiin ayay wasaaradda Maaliyaddu  cagaf gelisay oo la burburiyay qalabkii xafiiska iyo dukumentiyadii noo yaalay halkaa, waana taa mida aan u tegey taliska guud.”
Xadhiga Booliiska ayaa la sheegay inuu ka dhashay kadib markii uu Xoghayuhu Taliska Guud maanta u gudbiyay qoraal Xisbigu kaga askhatoonayeen Dhismaha Khayriyada Hargeysa oo ay xafiisyo ku lahaayeen oo ay Xukuumaddu burburisay iyadoo sida  Xisbigu ku dacwoonayo aan waxba lagala socodsiin isla markaana lagu baabi’iayay Qalabkii iyo Documentery-gii u yaalay.
Dhinaca kale Khayriyadda Hargeysa oo ah meel  Dawladeed , isla markaan ay ku jireen Hay’addo kala duwan oo uu ka mid yahay Xisbiga UDUB, Xafiiska Dawaladda Hoose ee Degmadda 26-KA Juun iyo Iskaashatada Basaslayaasha ayaa dhowaan Xukuumaddu dumisay, iyadoo  laga sameeyay  dhismeyaal  wasaaradda Maaliayddu leedahay, isla markaana qayb ka mid ah dhismaha Khayriyadii  ayaa lagu  wareejisay Nin shicib ah, kaas  oo sida ay tibaaxayaan warar la xidhiidha arrimahaasi  sheegeen  inuu Meherado  ganacsi ka dhiganayo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *