Nairobi(ANN)Madaxda Dalalka Kenya , Uganda iyo Somalia ayaa kulan degdeg ah ku yeeshay maanta Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Madxweynaha Dowladda Somalia ee taagta daran Sheikh Shariff Sheikh Axmed ayaa lagu casuumay kullankaa, iyadoo ay dhinaca kalena
kasoo qaybgaleen Madaxweynaha Uganda Yuweri Muzaveni iyo Madaxweynaha Kenya Moi Kibaki .Kulanka saddexda Madaxweyne oo ka dhacay aqalka Madaxtooyada ayaa ahaa mid ay albaabada u xidhan yihiin, balse lagu sheegay ujeedadiisa in lagaga hadlo xaaladda howlgallada ciidamada Kenya ee koonfurta Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
War-murtiyeed laga soo saaray gaba-gabadii kulankaa ayaa lagu sheegay in madaxdu ay ku heshiiyeen inay taageersan yihiin heshiiyadii hore ay u gaadheen Somalia iyo Kenya ee ku waajahnaa dagaalka wadajirka ah ee labada dal ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada Kenya ayaa galay Somalia bishii hore ee Oct, 2011 , kadib markii ay ku eedeysay Al -Shabaab inay ka dambeysay afduubyo dhowr ah oo ka dhacay dalkeeda gudihiisa, balse duqaymo markaa ka dib diyaaradaha Kenya ka fuliyeen gobolada jubooyinka waxay geysteen khasaare, iyadoo goobaha ay duqeeyeen ay ku jireen xeryo qoxooti oo barakacayaal Soomaali ah oo ka qaxay macaluusha iyo colaadaha ka jira halkaa ka carary ku jireen.
Waxayna wixii mudadaa ka danbeeyay dawladda Kenya dadaal xooggan ugu jirtaa sidii ay taageero ugu heli lahayd hawgalkaa oo u muuqda mid ay durba kala kulantay fashil, isla markaana ay soo baxeen jawaabo dhinaca Al-shabaab uga yimi dalka Kenya oo lagula beegsaday gudaha dalka Kenya, gaar ahaan caasimada Nairobi qaraxyo ay hore ugu balanqaadeen Al-shabaab. Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Somalia Sheikh Shariff Sheikh Axmed ayaa hore u sheegay in ciidamada Kenya aanay ogolaasho ka haysan maamulkiisa iyo weliba beesha caalamka, sidaa darteedna aanay sharci ku joojin Soomaaliya. Laakiin raysal wasaarihiisa ayaa mawqif ka duwan kaa sheegay, isagoo taageeray hawlgalka ciidamada Kenya ee Somalia. balse Shiikh Shariif oo booqashadiisa Nairobi tahay tii ugu horaysay ee uu ku tago halkaa intii ay ciidamada Kenya soo galeen Somalia ayaa hada kasoo jeestay dhinaca kale oo ay khasab ku noqotay inuu taageero hawlgalkaa Milateri.
Kenya waxay taageero ka raadinaysa Maraykanka, Israel, Midowga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD. Waa markii ugu horaysay oo Madaxweynaha Soomaaliya booqdo Kenya tan iyo intii uu bilawday howgalka Kenya.
Dhinaca kale Raysalwasaaraha Britain David Cameron oo ka hadlayay kulan ganacsiga ah oo ka dhacay Isniintii London, waxa uu sheegay inay fashilantay Somalia oo aanay ka jirin dawladi labaatankii sanandood ee u danbeeyay, isla markaana qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira Somalia iyo xaalada nabadgelyo daro ay saamayn ku yeesheen ganacsiga aduunka iyo nabadgelyada guud ee aduunka, isla markaana lagu afduubo Dalxiisayaasha iyo hawlwadeenada gargaarka ee u gurmanaya macaluusha haysata bulshada Soomaalida. Sidoo kale waxa uu sheegay ujeedooyinka shirkaa iyo waxyaabaha lagaga hadlayo ay ka mid yihiin in cadaadis la saaro kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya. Wuxuuna David Cameron sheegay inay dawladaha gobolku waxba ka qaban kari waayeen mushkilada Somalia.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com