Muqdisho(ANN)Xildhibaanbada loo xulay Baarlamaanka cusub ee Somalia, ayaa la dhaariyay caawa fiidkii. kadib markii la siiyay kaadhadhka aqoonsiga xildhibaano  tiradoodu gaadhayso 211 xubnood, kuwaas oo ka mid ah 275-ka xildhibaan ee loo qorsheeyay

 

inay noqoto tirada baarlamaanka.
Baarlamanka cusub ee dalka Somalia, waxa lagu dhaariyey munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan cadde.

Munaasabada lagu dhaariyay xubnaha Baarlamaanka cusub,  waxa  goob joog ahaa madaxda mudadoodu ku ekayd maanta ee madaxweynaha dowlada Somalia, raisul wasaaraha, gudoomiyaha Baarlamanka, xubno ka tirsan golaha wasiirada, wakiilka Qaramada Midoobay,  saraakiisha ciidamada AMISOM, wakiilo ka socda beesha caalamka gaar ahaan dalalka daneeya arrimaha Somalia iyo guddiga Farsamada ee hawshoodu ahayd xulista xildhibaanada cusub.

Barxad weyn oo ku taala gudaha garoonka dayuuradaha Aadan cadde, ayaa lagu sameeyay munaasibada dhaarinta xildhibaanada Somalia, taas oo ay ku fadhiyeen madaxda iyo xildhibaanada cusub. Shan Garsoore oo uu horkacayey gudoomiyaha maxkamadda sare ee dowlada KMG Somalia Caydiid Ilka-xanaf  ayaa dhaariyay xubnaha cusub,  iyadoo xildhibanada cusub ayaa  koox koox loo dhaariyay.

Amaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka Aadan cadde oo markii horeba aad u adkaa ayaa si weyn loo sii adkeeyey waxaana aad loo baadhayay dadka ka hor inta aanay gelin gudaha  garoonka Aadan cadde
.
Afhayeenka cusub ee Baarlamaanka oo ah xubinta ugu da’da weyn xubnaha la dhaariyay Muuse Xasan Cabdala, ayaa noqday afhayeenka Baarlamaanka ee ku meelgaadhka ah, wuxuuna sheegay in la qorshaynayo sidii loo heli lahaa goob amaan ah oo Baarlamaanku ku qabto fadhigiisa u horeeya si loo doorto Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, isla markaana Baarlamaanku u doortaan shirgudoonka, balse lama shaacin mudada ay noqonay, iyadoo ay maanta ku dhamaatay xili sharciyeedkii xukuumadda KMG ahayd ee Somalia.
goobta lagu dhaariyay mudanayaasha waxa  ka hadlay xubnaha guddiga farsamada soo xulista xildhibaanada oo ka hadlay howsha ay qabteen, iyagoo balan qaaday iney sii wadi doonaan shaqadooda inta laga soo dhamaeystirayo  tirada xildhibaanada hadhay,  sidoo kale waxaa  khudbado ka jeediyay goobtaa madaxda dowlada KMG ah ee waqtigeedu dhamaaaday iyo xubno ka tirsan beesha caalamka oo sheegay iney maanta tahay maalin taariikhi ah oo guul weyn u ah ummada Soomaaliyeed.
hase yeeshee waxa jira khilaafaad siyaasadeed oo sababay dib u dhaca hawsha doorashada iyo inuu qabsoomi waayo fadhigii u horeeyay ee Baarlamaanku, kaas oo aan weli la cayimin.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *