Hargeysa(ANN)Gudida talo bixinta iyo daraasada la xidhiidha in dib loo furo Ururada siyaasada oo Madaxweynaha Somaliland hawshaa u xil saaray badhtamihii April 2011, ayaa maanta soo saaray warbixin hordhac ah oo la xidhiidha natiijada hawshii loo diray. Kadib markii ay maanta kulan

dhawr saacadood qaatay la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana u gudbiyeen natiijada wixii kasoo baxay talo uririntii ay ku maqnaayeen.
Warbixinta Qoraalka gudida oo lagu sheegay mid hordhac ah, isla markaana lagu muujiyay shaxda gobolada dadkii ay la kulmeen iyo sida ay rayigooda uga dhiibteen waxyaabihii la weydiiyay ayaa lagu sheegay in tirada dadkii ugu badnaa noqdeen kuwo ku doodaya in dib loo furo uraradiii siyaasadeed.
Qoraalkaa oo ay ku saxeexan yihiin magcayada xubnaha gudida   ayaa  lagu lifaaqay talooyin nuxurkoodu xanbaarsanyahay in gebi ahaanba la kala diro golayaasha deegaanka iyo sida loo qabanayo doorashada ayaa u qornaa sidan:-  
Ujeeddo: Warbixin Hordhac ah
Guddida ka soo tala bixinta furasahda Ururada Siyaadu waxaay Saxaafada u soo gudbinaynaa Warbixin kooban oo hordhac ah oo la xidhiidha Hawshii la noo xilsaartey oo ku saleysan tilmaamtii ku suntaneyd warqadii tirsigeedu ahaa JSL/M/MG/O8/399/03011 kuna taariikheysneyd, 14.03.011 qodobadan soo socdana xambaarsanayd:
1.   (Cilmi Baadhis) Doodo iyo Rayi,ururin) la xidhiidha rabitaanka bulshada ee ururada siyaasada
2.  Kasoo talo bixin baahida sharci ee ku geedaaman Ururada Siyaasada iyo Adkeynta hanaanka Dimiquraadiga ee ka hirgalay Jamhuuriyada Somaliland.
3.  Daraasad ku saabsan Duruufaha Siyaasadeed Dhaqaale iyo Nabadgalyo ee saameynta ku yeelan kara Ururada Siyaasada.
Haddaba Gudidu waxay gudashada xilkaa u martay Talaabooyinkan soo socda:
A.   Guddidu waxay isku martay Gobolada waaweyn ee Somaliland ee kala ah
Awadal, Maroodi_jeex. Saaxil. Togdheer. Sool. Sanaag. Iyadoo markaa Doodo u qabatey qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ay kamid yihiin Hogaamiye Dhaqameedyada, Culimaa udiinka, Aqoonyahanka, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada, Jaamacadaha, iyo Guddiyo  horumarineed, Iyadoo Guddidu u qabatey dadkaa doodo lagu waydiinayo rayigooda lagana buuxiyey Foom ay kaga jawaabayaan (Haa) iyo (Maya) (Midnaba) iyo sababaynta in Ururada Siyaasiga ah la furo.

Foomamkaas aan dadka ka buuxiney oo halbowle u ahaa talo bixintayada waxaanu tiriney maanta oo ay Taariikhdu tahay 07/06/11 intii horena way noo xidhnaayeen si aanu uuga badbaadno kutiri kuteenka.

B.    Waxaa kale oo guddidu dhageysatay qoraaladii afar Sharciyaqaan oo ay u dirtay iney tallo iyo taxliil sharci soo siiyaan Guddida.
C.   Waxaa kale oo Guddidu warbixin la xidhiidha Siyaasada, Dhaqaalaha, Nabada, ka dhageysatay Haayadaha kala ah.

1.     Koomishanka Doorashooyinka Qaranka
2.    Akaademiga Nabada iyo Horumarka iyo
3.    Dallada Sonsaf

Haddaba Markii la tiriyey Cododkii laga soo ururiyey Muwaadiniinta Somaliland oo tiradoodu dhantahay 1769  oo qof. Waxay u kala baxdey sidan:

Gobolka    Haa    Maya    Midna    Total
1:    Maroodi_Jeex    190    302    11    503
2:    Togdheer    157    132    0    289
3:    Saaxil    91    94    5    190
4:    Sanaag    208    66    2    276
5:    Sool    185    39    9    233
6:    Awdal    171    104    3    278
Total:    1002    737    30    1769

Halkaas waxaa ka muuqda in bulshada rabitaankeedu ubatay in Ururada Siyaasada la furo sida ka muuqada shaxada sare.
Haddaba markay guddigu yeelatay doodo dheer iyo falanqeyn ku saabsan Duruufaha la xidhiidha  Sharciyada ,Geedi socodka Dimuqraadiyada, Dhaqaalaha, Siyaasada, Nabadgalyada Somaliland waxay ku tallo bixineysaa:
1.     In la qabyo tiro Sharuucda iyo Xeerarka Ururada Siyaasada, Xisbiyada, Doorashooyinka.
2.    Dhisida Guddi Joogto ah oo qaabilsan Diwaangalinta Ururada Siyaasiga iyo ku ilaalinta Dimuqraadiyada  Xisbiyada Gudahooda.
3.    In  lagu talo galo Kharashyadii ku bixi lahaa Furashada Ururada iyo Doorashooyinka
4.    In wakhti 18 Bilood gudahood ah lagu hirgaliyo diwaangalinta Ururada iyo Qabsoomida Doorashada Deegaanka.
5.    In la sameeyo Xeerkii Xisbiyada Qaranka (Political Part Act)

Gabogabo

ka dib markii  aanu dhagaysanay talooyinka sharciyaqaano xeel-dheer u leh shuruucda dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqal insaanka,  dareenka iyo doonista qaybaha kala duwan ee bulshada JSL,  isla markaana dhunay sababaynta ay ku jaan gooyeen doonistooda, sidoo  kalena darisnay saamayn ay arintani ku yeelan karto qodobadan soosocda:
  Ka mid noqoshada Somaliland ee Bulshada Caalamka
  Kobcinta hanaanka Demcracy-ga
  Xuquuqda Aasaasiga ee Muwaadiniinta
  Fidinta Maamulka
  Abuurista saaxad siyaasadeed oo loo simanyahay
  Dhiirigalinta Dhalinyarada iyo Haweenka  ee ka qaybgalka hogaanka dalka
Waxay talada Gudidu soo jeedinaysaa  ku sooo ururtay  in lafuro Ururada Siyaasad  doorashada golaha deegaan ee usoo horeysa, Golaha deegaanka ee maanta joogana waxa aanu ku talinaynaa in la kala diro lana magacaabo maayeero ku meel-gaadh ah.

Allaa Mahd leh

Mgacyada Gudida                        Saxeexa

Suleiman Ali Korea             ——————————
Mahamed A/lahi Du’ale:     ——————————
Barkhad Jama Hirsi:           ——————————-
Suldan Axmed Daahir Muuse  —————————
Xildh. Mahamoud Hirsi Farah  —————————-
Maxamed Muuse Abees          —————————–
Canab Cumar Ileeye               —————————–
C/lahi Siciid Dheere                ——————————
Xasan Xuseen Codyare          ——————————–
Pro. Xusen Xasan Guleed      ——————————–
Dr. Maxamed Cismaan Fadal  ————————–
Amina C/lahi Axmed              ——————————
Khadar Nour Aw Cabdi          ——————————
Kaltuun Sheikh Xasan Cabdi    ———————————-
Jama Maxamoud Cigaal          ———————————-
Sheikh Almis Sheikh Yaxye       ———————————-

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *