Sana- Yamen(ANN) Dawlada Sucuudiga ayaa shuruud kaga dhigtay Madaxweynaha dalka Yamen Cali Cabdale Saalax oo dhaawac soo gaadhay inuu xilka ka dego, haddii uu doonayo in caafimaadkiisa lagu daweeyo cusbitaal ku yaal dalka Sucuudiga. Boqor Cabdalaha Dalka Sucuudiga oo dhinacyada

 

 

dalka Yamen ugu baaqay xabad joojin ayaa u sheegay Cali Cabdale inuu aqbalo soo jeedinta marar baddan loo soo jeediyay oo uu xilka ka dego, isla markaana ay balanqaadayaan in noloshiisa iyo inuu helo daryeel caafimaad, balse uu marka hore aqbalo xabad joojinta, isla markaana ciidamada ka saaro magaalooyinka oo geeyo xuduudihii ay hore u joogeen. balse xaalada ayaa caawa faraha ka baxaday, iyadoo dagaalo hadheeyeen caasimada Sanca ee dalka Yamen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdale oo dhaawac ah la qaaday. kadib markii uu aqbalay fariinta Boqor Cabdalaha sucuudiga , balse waxa jira warar kale oo sheegaya inuu ka war wareegayo shuruuda lagu xidhay inuu daawayn ka helo dalka Sucuudiga , iyadoo ay jiraan warar sheegaya inuu saacadihii lasoo dhaafay ka baxay Sanca. Kadib markii diyaarad khaas ah oo Boqor Cabdale usoo diray ka raacay halkaa. Laakiin warar si hoose uga looga soo xigtay saraakiisha dawladda ayaa sheegaya in aanu weli ka bixin dalka Madaxweyne Saalax, iyadoo ay jiraan warar iyo tibaaxo si weyn laysula dhexmarayo dalka Yamen oo sheegaya inuu Madaxweyne Cabdale Saalax u geeriyooday dhaawacii soo gaadhay.
Dawlada Sucuudiga oo daawayn u fidisay masuuliyiinta dalka Yamen ee ku dhaawacmay weerarkii Jimcihii ayaa shuruud ku xidhay  ka   hor inta aanay sucuudigu  usoo dirin  Shan xubnood ka mid ah madaxda ugu saraysa dalkaa  oo dhaawacyo halis ahi kasoo gaadheen duqaynta madaafiic shalay lagu weeraray qasriga madaxtooyada, kuwaas oo maanta  loola cararay dhinaca dalka sucuudiga.
wakaalada  wararka ee Yamen oo loosoo gaabiyo SABA news agency ayaa sheegtay in inay masuuliyiinta loo qadaay dhinaca dalka Sucuudiga ay kala yihiin   Raysal wasaarihii dalka Yamen  Ali Mujawar; raysal wasaare xigeenkii Rashad al-Alimi, Sadeq Amin Abu Rasand oo ah gudoomiyahii golaha shuurada, Abdul Aziz Abdul Ghani, gudoomiyihii BaarlamaankaYahya Al-Raee; gudoomiye xigeenkii golaha shuurada Abdul Aziz Abdul Ghan.
Masuuliyiintaa ayaa lagu qaaday diyaarad khaas ah, iyadoo dhaawacyadoodu halis yihiin. kadib markii shalay salaadii jimce weerar madaafiic ah lala beegsaday masjid ku yaal qasriga madaxtooyada oo ay ku tukunayeen.
Madaxweyne Cabdale Saalax ayaa wararka qaar sheegeen inuu dhintay. kadib duqayntii halkaa ka dhacday shalay dhaawac halis ahi kasoo gaadhay, balse xalay ayaa cod fariin ah oo laga sii daayay Telefishanka dalka Yamen oo lagu sheegay inay mid toos uga timi Madaxweynaha lagu sheegay in Madaxweynaha xaaladiisu fiican tahay, isla markaana wuxuu codkaa fariinta ah Cali Cabdale Saalax ku qiray dhaawa soo gaadhay isaga iyo masuuliyiinta kale, isagoo qiray inay Masjidkaa ku dhinteen Sheikh Ali Mohsen al-Matari oo tujinayay salaadii Jimcaha iyo ugu yaraan Afar ka mid ah ilaalada khaaska ah.
Madaxweynaha Yamen ayaa weerarkaa ku eedeeyay koox uu sheegay inay yihiin kuwo doonaya inay dalka qalalaase ka abuuraan, isagoo si gaara  dusha ugu saaray weerarkaa  hogaamiyaha diimeed ee kasoo jeeda qabiilka awooda badan ee hormoodka u ah mudaraharaadyada ka socda halkaa mudooyinkii u danbeeyay Sheekh Sadeq al-Ahmar.

xaalada dalka yamen ayaa si weyn looga cabsi qabaa inay dagaalo qabiil ka bilaabmaan iyadoo qabiilka Madaxweyne Cabdale Saalax iyo Sheekh Al-Axmar oo ah hogaamiyaha diineed oo isagu wata in ka badan toban qabiil oo kiisu ugu weyn yahay isku soo shubayaan magaalada caasimada ee sanca, kuwaas oo doonaya inay waajahaan ciidanka xaras al-jamhuuriga ee ilaaliya madaxweyaha iyo qabiilkiisa oo uu hubeeyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *