London(ANN/Jam)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shaaca ka qaaday in madaxbannaanida Koonfurta ay kaga go’ayso Waqooyiga dalka Suudaan ay Somaliland u tahay fursad muhiim ah oo ay beesha caalamka kaga hesho aqoonsi diblomaasiyadeed

oo caalami ah.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo waxa uu sidaa ku sheegay waraysi lala yeeshay oo uu ku weheilinayey wasiirkiisa arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo shalay lagu baahiyey wargayska The Economist ee ka soo baxa dalka Ingiriiska. madaxweynaha iy wasiirka arrimaha dibeddu waxay waraysigaa ka hadleen muhiimada wax-ku-oolka ah ee ay Somaliland u leedahay aftida hadda ka socota Koonfurta Suudaan ee dadweynaha gobolkaasi lagu weydiinayo inay ka sii mid noqdaan dalweynaha Suudaan iyo inay ka madaxbannaanaadaan iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin xiisadaha ka taagan gobolada bariga, xidhiidhka dhinaca ammaanka ee Somaliland la leedahay dalalka Itoobiya, Kenya, Maraykanka, Ingiriiska, Ugandha iyo maamul-goboleedka Puntland.

Wargeyska The Economist oo toddobaadkiiba mar ka soo baxa dalka Ingiriiska, waxa waraysiga uu la yeeshay madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirka arrimaha dibedda ka horaysiiyey hordhac kooban oo wargeysku ka diyaariyey Somaliland, iyada oo warbixintaa lagu xusay in aftida ka dhacaysa Koonfurta Suudaan ay feejignaan caalami ah siisay qadiyadda gooni u goosiga Afrika iyo su’aasha taagan ee aqoonsiga Somaliland oo sannadkii 1991 ku dhawaaqday inay ka madaxbannaantahay Soomaaliya. Iyada oo mudadaasna Somaliland laga dhaqangeliyey dawlad shaqaynaysa, isla markaana doorashooyin xor iyo xallaal ah qabsatay. Waxaanna ugu dambaysay doorashadii madaxtooyadda ee 26 June 2010 dhacay ee Md. Axmed Siilaanyo loogu doortay madaxweynenimadda.

Waxa wargeysku warbixintiisa ku sheegay in ilaa hadda aanay ciddi aqoonsan Somaliland, maadaama qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ururka Midawga Afrika, dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya iyo kooxaha xagjirka ah ka soo horjeedaan hamiga gooni u goosiga Somaliland.

Waraysiga lagu baahiyey wargeyska The Economist ee lala yeeshay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wasiirka arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo uu Jamhuuriya soo turjumay, waxa isaga oo faahfaahsan uu u qornaa sidan;

Su’aal: Muxuu Adduunku u u xiisaynayaa Somaliland iyo raadinta aqoonsigeeda”

Siilaanyo: Somaliland waa qayb ka mid ah adduunka oo xasilooni xooggani ka jirto, iyadda oo la dagaalanka budhcad-badeeda iyo argagixisadda caalamiga ah doorweyn ku leh, waxyaabaha noocaas ah ee ka dhacaya qaybta aanu ku leenahay adduunku waa waxyaabo saamayn ku yeelanaya adduunka oo dhan. Waa muhiim in Somaliland iyo beesha caalamka ay ka wada shaqeeyaan sidii looga soo horjeedsan lahaa dhaqdhaqaaqyadda noocaas ah (budhcad-badeeda iyo argagixisadda), dhinaca ammaanka marka laga hadlayo waxaanu qabanay wax ka badan inta cid kale qabato si loola dagaalamo ammaan-darradda ka jirta gobolka. Taasina maaha shaqo fudud oo sababta aanu ugu baahanahay iskaashiga beesha caalamka. Hadda waxaanu iskaashi wadashaqayneed la leenahay dalalka Itoobiya, Maraykanka iyo Ingiriiska, kuwaasi oo xiisanayna ammaanka Gobolka Geeska Afrika.

Su’aal: Waa maxay yididiiladda aftida ka dhacaysa Koonfurta Suudaan u yeelan karti raadinta aqoonsiga Somaliland?

Siilaanyo: Haddii beesha caalamku ogolaato madaxbannaanida Koonfurta Suudaan, albakaaga ayey noo furyasaa (aqoonsiga Somaliland), waxay muujinaysaa in wax iska beddelayo mabda’ii ahaa in xuduudaha qaaradda Afrika ahaadaan sidii guumaysigu kaga tagay, haddii Koonfurta Suudaan sidaa ku go’do waxay albaabka u furi doontaa madaxbanananidda iyo aqoonsi Somaliland ka hesho beesha caalamka oo ay gooni ka noqoto Soomaaliya.

Su’aal: Sidee ayaad kalsoon ugu qabtaa in aftida Koonfurta Suudaan ay muhiimad sare siin doonto aqoonsiga Somaliland?

Siilaanyo: waxaannu ku qanacsanahay in Aftida Koonfurta Suudaan muhiimad sare siin doonto aqoonsiga Somaliland, anaguna aad baanu arrintaa uga shaqayn doonaa.

Su’aal: Xiisado ayaa ka jira Gobolada bariga Somaliland, iyada oo hoggaami-qabiilooyinku sheegeen in aanay aqoonsanayn Somaliland iyo Puntland, xiisadaahaasina waxay xaataa saameeyeen doorashadii dalka ka dhacday, sidee ayaad arrimahaa wax uga qabanaysaa?

Siilaanyo: Wadahadalo ayaanu u furnay odayaasha iyo hoggaamiye-dhaqameedyadda, waxaannu u dirnay wefti heer sare ah, qaar badan oo ka mid ah madaxdhaqameedyaduna si fiican bay noogu jawaabeen, isla markaana waxaannu bariga ka bilawnay mashaariic horumarineed oo ah dhinaca biyaha iyo baahiyaha kale ee jiraba, laakiin wax shaki ah kama qabno arrintaa, waxaannu xoojinaynaa ciidamadayadda deegaannadaasi jooga. Xuduudo maaha wax laga wada xaajoon karo oo waa arrin la xidhiidha ammaanka dalka. Laakiin ma jiro wax naga joojinaya in aanu wadahadalo la yeelanayo madaxdhaqameedyada, arrintaasina rajo ayaanu ka qabnaa.

Wasiirka arrimaha dibedda: Waxaannu doonaynaa in aanu wadashaqayn Puntland kala yeelano waxyaabaha na wada saameeya sida budhcad-badeeda, argagixisadda, arrimaha deegaanka, waxaannu Puntland iyo dalalka kaleba ee ay ka mid yihiin Soomaaliya, Ugandha, Kenya iyo dalalka deeqbixyeyaasha kala shaqaynaynaa sidii loo yarayn lahaa khataraha budhcad-badeedu ku hayso gobolka, waxa jira dedaalo caalami ah oo arrintan la xidhiidha, waxaananu doonaynaa in aanu aragn in iskaashiga la sii ballaadhiyo si loo xoojiyo deganaanshaha Geeska Afrika.

Su’aal: Waa sidee xidhiidhka aad la leedihiin dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya?

Wasiirka arrimaha dibedda: Doorkayagu mar walba waa caddaan, waxaannu jecelnahay in dawladda ku-meelgaadhka ah iyo dadka kale dhamaystaan waxyaabaha ay isku hayaan oo si wada jir ah u wada shaqeeyaan si loo helo nabadgelyo iyo xoriyad, taasi ayeyna dantu ugu jirtaa anagana dantu noogu jirtaa, isla markaana dantu ugu jirtaa gobolka oo dhan iyo beesha caalamka.

Waxaanu taageeraynaa Midawga Afrika iyo dedaaladda caalamiga ah ee nabadda lagaga dhalinayo Soomaaliya, isla markaana dib loogu soo celinayo dhismaha hay’addaha dawladda, laakiin waxaannu u malaynaynaa in xallinta arrimahaasi ay u yaalaan Soomaalida dhexdooda, uma malaynayo in gacmo shisheeye iyo faragelin dibadeed nabad u keeni karto Soomaaliya, waxaannanu walaalahayaga Soomaaliya ugu baaqaynaa inay si wada jir ah u fadhiistaan, isla markaana ka shaqeeyaan sidii nabad looga dhalin lahaa Soomaaliya.

Su’aal: Maamulkiinu wax xidhiidh toos ah ma la leeyahay dawladda ku-meelgaadhka ah?

Siilaanyo: Maya

Su’aal: Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Qaramada Midoobay?

Wasiirka arrimaha dibedda: Markii hore joogitaanka Qaramada Midoobay ee Somaliland wuu xadidnaa, arrimahana waxay noo soo marin jireen xafiisyadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee ku yaal magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, laakiin wixii ka dambeeyey doorashadii madaxtooyadda, waxa na lagu wargeliyey inay jirayaan qorshayaal Qaramada Midoobay xafiisyo kaga furanayso Somaliland, iyada oo laga yaabo in qaar ka mid ah xafiisyadda Qaramada Midoobay ee Nairobi loo soo raro Hargeysa.

Waxaannu soo dhawaynaynaa isbbeeddelka ku yimi Qaramada Midoobay iyo fursadaha ay noo keeni kartaba. Qaramada Midoobay waxay qiimaynaysay xaaladda ammaan ee Somaliland tan iyo wixii ka dambeeyey doorashadooyinka, xilligana Somaliland ammaankeedu wuxuu marayaa meel saamaxaysa in masuuliyiinta sare ee Qaramada Midoobay ay iman karaan Somaliland, arrintaana aad baanu u soo dhawaynaynaa.

Su’aal: Qoraalo badan oo ka hadlaya dalxiiska Somaliland ayaan arkay, dawladdu ma qabatay wax sare u qaadaya dalxiiska?

Wasiirka arrimaha dibedda: Waxaanu leenahay wasaarada u heelan dhinaca dalxiiska, run ahaantiina waxaannu leenahay goobo taariikhi ah oo loo dalxiis tago iyo badda cas, laakiin arrimahaas oo dhami waxay u baahan yihiin maalgashi caalami ah iyo mid wadani ahba iyo weliba horumarin, iyadda oo la xoojinayo deggaanshaha ganacsiga, waxaannu rajaynaynaa in aanu maalgashigaa heli doono.

Siilaanyo: Shaki kama qabo in degannaanshaha Somaliland horseedi karo sidii argagixisadu isugu dayi lahayd inay bartilmaameed ka dhigato Somaliland. Laakiin haddana waxaannu xoojinay hay’addaha ammaanka ee la tacaala argagixisadda, sida booliska iyo ciidammada ammaanka qaabilsan oo waxaannu siinaa muhiimaddayada ugu saraysa iyo dhaqaale badan, laakiin shaki kama jiro in aanu argagixisadda bartilmaameed u nahay.

Jamhuuriya Online

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *