Hargeysa(ANN)Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa maanta soo gebagebeeyay booqashadii uu shalay ku tegey xarunta gobolka Saaxil ee Berbera. Iyadoo Madaxweynaha iyo wefdigiisu usoo bexeen dhinaca

Magaalada Hargeysa. Madaxweynaha ayaa ka hor intii aanu soo gebagebayn socdaalkiisa, wuxuu saaka boqolaal dadweynaha ku dhaqan Berbera kula tukaday meel fagaare ah Salaad Roob doon ah oo dalka oo dhan laga iclaamiyay.  
Sidoo kale wuxuu ka hor intii aanu kasoo bixin halkaa Kormeer kusoo maray Maxjarada Xoolaha ee ku yaala magaaladda Berbera, isagoo dhinaca kalena  kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada Saaxil. Balse warar ay heshay shebekadda Araweelonews ayaa tibaaxay in aanay fursad isu helin koox Odayaal ah oo doonayay iyaguna inay kulan gaara la yeeshaan Madaxweynaha,  kuwaas oo ku sugayay Hoolka dhismaha guriga martida ee uu deganaa madaxweynahu. Kadib markii masuuliyiinta gobolka Saaxil ku war geliyeen Kooxdaa Odayaasha ah in aanu Madaxweynuhu fursad u ahayn inuu la kulmo.
Safarka Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kusoo gunaanaday xarunta gobolka Saaxil ayaa la saadaalinayay inuu booqan doono xarunta gobolka Togdheer, balse wararka noocaa ah ayaan ahayn kuwo si cad uga soo baxay madaxtooyada Somaliland oo qeeyay mudada safarka iyo meelaha uu Madaxweynuhu uga sii gudbayo gobolka Saaxil.  
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta salaaddii roob doonta ahayd kula tukaday dadweynaha magaalo xeebeedda Berbera ee gobolka Saaxil.

Dhinaca kale  Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khalaliil Cabdillaahi ayaa maanta  ka qayb galay Salaadii Roob doon ah  oo laga oogay garoonka kubadda cagta ee magaalada Hargaysa. Iyada oo guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Masaajidada waawayn ay isugu yimaadeen dadwayne aad u tiro badan, kuwaas oo tukaday salaada Roobdoonta, isla markaana Illaahay  ka baryay in uu ka dulqaado Dhibaatada Abaarta iyo biyo la’aanta haysata eek u habsatay meelo badan ka tirsan goboladda Somaliland.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) , wuxuu   salaadii ka dib Illaahay  uga  baryay inuu ka aqbalo baryada ummadda islaamka ah ee reer Somaliland, waxaanu shacbiga ugu baaqay inay sii joogteeyaan Alle  ka casbiga iyo baryadda Illaahay.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo salaadiin Roob-doonta ahayd kadib hadal u jeediyay dadwaynaha ayaa ugu baaqay inay  ka cabsadaan Illaahay, isla markaana ay isa saamaxaan oo ay qalbiyaddooda wanaajiyaan, si uu uga aqbalo salaadda iyo cibaadada.
Guud ahaanba dadka   salaalada Roob-doonta ah ugu soo baxay maanta  dalka ayaa Illaahay  ka baryay  inuu raxmaadkiisa u shubo oo dad iyo duunyaba soo waraabiyo, kana dul qaado abaarta kulul ee wakhtigan dalka ka jirta. Sidoo kale gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa manta laga oogay salaada roob doonta.

Araweelonews Mobile

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *