IMG_0330Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta salaadii Jimcaha boqolaal qof kula tukaday   masjidka tabliiqiyiinta ee Bariga magaalada Hargeysa, isagoo aan wadan ilaalada inta baddan caadiyan u raacda marka uu meel booqanayo. kadibna

 

booqday xarunta Agoomaha ee duleedka Xaafada Jig-jiga yar, isagoo mid mid u galay dhismaha ay ku jiraan caruurta lagu hayo halkaa.
Madaxweynaha Somaliland oo ilaalo koobani la socotay waxa uu saarnaa gaadhi gaar ah waxaana weheliyay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayihiisa gaarka ah Cali Maxamed Cali, wuxuuna markii uu ku tukuday salaadii jimcaha Masaajidkaa barxada dibada ku salaamay oo ku soo ururiyay qaar ka mid ah dadweynihii ku tukunayay masaajidka tabliiqiyiinta, kuwaasi oo ku bogaadiyay booqashadiisa masaajidkan oo ahayd mid aan laga war qabin, isla markaana aan hore loo shaacin.

 

IMG_0327

 

photo

 

Madaxweyne Siilaanyo  waxa uu markii uu ka yimi Masaajidkaas intii aanu ku laaban qasriga Madaxtooyada soo maray jidka wadnaha ee magaalada Hargeysa waxaanu isagoo gaadhiga saaran daawanayay dhadhaqaaqa suuqa weyn ee Hargeysa, balse inta baddan maalinta Jimcaha aan hawlo ganacsi ka socon.
Md. Axmed Siilaanyo waxa uu kormeer ku tagay xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu la kulmay carruurta ku jirta xaruntaasi oo xiligaasi qadaysay, iyadoo ay kusoo  urureen Madaxweynaha carruurta ku jirta xarunta, isla markaana  ay  Madaxweynaha  uga warameen nolashooda iyo xaalada duruufaha ay ku sugan yihiin.

photo

Madaxweynuhu waxa uu indho indheeyay qolalka ay carruurta agoomaha Hargeysa seexdaan, waxaanu dul tagay wiil yar oo labaatan habeen jiray oo la keenay xaruntaasi markii laga soo qaaday goob lagu tuuray oo ku taalla magaalada Hargeysa. Waxaanu u duceeyay ilmahaasi yar iyo carruurta ku jirta xaruntanba.
Talaabada Madaxweynuhu salaada Jimcaha kala qayb galay dadweynaha iyo booqashada lama filaanka ah ee uu kusoo maray xarunta Agoomaha ayaa   kusoo beegantay wax ka yar saddex todobaad markii ay kasoo wareegtay  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo  kormeer ku soo maray xili habeen ah suuqyada iyo shaaracyada magaalada Hargeysa qaarkood, taas oo lama filaan ku ahayd bulshada, isla markaana ay si weyn usoo dhoweeyeen bulshada iyo culimada Somaliland.
Araweelonews mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *