Hargeysa(ANN)Hanti- dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi (Maxamuud Dheere) ayaa sheegay inuu sharciga horgeyn doono masuul kasta oo ka mid ah laamaha dawlada oo lagu eedeeyo falal musuqmaasuq iyo wax is dabamarin. Dhawaaqa hanjabaada ah
ee Hanti-dhawraha guud ee qaranka ayaa kusoo beegmay. Kadib markii muran ka dhashay qabashada Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa oo ay xafiis ahaan amreen in la qabto, balse la hakiyay markii ay soo fara geliyeen wasaaradda Arrimaha gudaha, Maaliyada iyo xeer Ilaalinta oo saluugtay waxyaabaha lagu eedaynayo masuulkaa.
Mr. Maxamuud Dheere oo ah hanta-dhawraha guud ee Qaranka Somaliland  waxa uu ka dayriyay dawladaha Hoose ee dalka oo uu tilmaamay inuu ka jiro musuqmaasuq baahsani waxaanu tilmaamay inay ka soo xidh xidheen magaalooyin dhawr ah masuul ka tirsan waaxaha dawladaha Hoose.
Maxamuud Aw Cabdi waxa uu sheegay in ay baadhis xoog leh ka wadaan dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa,  isla markaana ay xabsiga u taxaabi doonaan cid kasta oo ay gasho baadhista ay wadaan.
Hanti-dhawraha guud ee qaranku waxa uu sheegay inay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda , cuqaal iyo salaadiin kala duwani kala hadlaan arrimo shaqadiisa la xidhiidha waxaanu balan qaaday inaanu cidna shaqadiisa u dabo fadhiisan doonin.
“Cidii hantida ummadda cuntaa kuma faa’iido waanu naqaanaa wax badan ayaanu shaqadan hanta dhawrka soo haynay waanu naqaanaa oo calaamado ayuu noo leeyahay qofka hantida ummadda cunaa kumana faa’iido. Waxaan masuuliyiinta  iyo waxgaradka aanu leenahay ha taageerina qof hanti  ummadeed ku eedaysan,”ayuu yidhi Hanti dhawraha guud oo xalay  uu shalay siiyay TV-ga madaxa banaan ee Horn Cable laga sii daayay.
Hanti -dhawruhu wuxuu ka gaabsaday  eedo loo haysto Xoghayaha fulinta dawlada hoose ee Hargeysa Deeq Xirsi Cambuur oo la sheegay inuu todobaadkan u soo jaray waaran qabasho ah hase yeeshee aan la fulin.kadib markii qabashadiisa ay ku gacansaydheen  wasiirka Arrimaha gudaha Dr. Gaboose oo hakiyay amarkii lagu qaban lahaa masuulkaa, isla markaana ay Xeer Ilaalinta guud ee Qaranka Somaliland sida ay wararku sheegayaan ku qanci weyday ee ay saluugtay waxyaabaha lagu eedaynayo masuulkaa, taas oo muran ka dhex abuurtay wadashaqaynta Hay’addaha kala duwan ee Hanti-dhawrka, wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka. 
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *