Kismaanyo(ANN)Laba diyaaradood oo nooca loo yaqaan Elecobtarka ayaa xalay weerar lama filaan ah oo duqayn dhinaca cirka ah ku qaaday saldhiga Qandahaar oo dhinaca tababarka ciidmada Al-shabaab oo muhiim ah, kaas oo ku yaala meel dhinaca Bari kaga beegan magaalada Kismaanyo ee

Koonfurta Somalia.
Kooxda Al-shabaab ayaa qirtay duqaynta loo geystay saldhigooda in dhaawac kasoo gaadhay, balse Ma jirto ilaa hada cid   cadaysay inta uu leegyahay  khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqaynta diyaaradaha dagaal ku qaadeen xerada dhinaca tababrka  ciidanka  ee Al-shabaab, haseyeeshee warar aan sugnayn, ayaa tibaaxay in ugu yaraan 15 ka mid ah malleeshiyada Al-shabaab ay ku naf waayeen, halka tiro kalena ku dhaawacmeen. Waxaana wararka si hoose looga soo xigtay kooxda Al-shabaab sheegayaan inay waqtigaa goobtaa ku sugnaayeen dagaalyahano Ajaanib ah oo uu ka mid yahay Mansuur Al-Americi, kaas oo ah hogaamiyaha dhinaca tababarada ee Al-shabaab.

.

Kooxda  Al-shabaab ayaa qiratay in weerarkaa lagu qaaday saldhig dhinaca tababarka ah oo ay ku leeyihiin halkaa. Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ee maamulka Al-shabaab Sheekh Xasan Yacquub Cali, ayaa warbaahinta u sheegay inay iska caabiyeen weerarka diyaaraduhu ku soo qaadeen xeradooda Qandahaar, wuxuuna  qiray in weerarkaasi khasaare dhaawacyo ah loogu geystay kooxdooda, balse waxa uu ka gaabsaday tirada dhaawaca iyo baaxada khasaaraha loogu geystay weerarkaa.
Weerarkan oo noqonayna kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee quwadaha reer Galbeedku la beegsasaan kooxda Al-shaab ee gacanta ku haysa inta  badan Somalia, ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay dabo-gal lagu hayay dagaalyahanno shisheeye oo gacan siinayay Al-shabaab inay goobtaas ku sugnaayeen. Kadibna duqayn dhinaca cirka ah ay ku qaadeen laba diyaaradood oo aan la aqoonsan wadamada laga leeyahay.

Araweelonews mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *