Berbera(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftigii uu Hoggaaminayay ee socdaalka shaqo ugu maqnaa dalka Imaaraadka carabta todobaad, ayaa maanta kusoo laabtay dalka.

Kadib markii ay wefdiga madaxweynaha Somaliland kulan ay marti-geliyeen dalka Imaraadka Carabta wada hadal kula yeesheen Madaxweynaha Somalia . Madaxweyne siilaanyo iyo wefdigiisa oo ka koobnaa Gudoomiyayaasha sadexda xisbi qaran ee  Kulmiye, UDUB, UCID iyo Xubno golihiisa wasiirada ah waxay  maanta duhurkii ka soo degeen madaarka caalamiga ah ee magaaladda Berbera, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo qolka VIP-da ee Madaarka Berbera ugu waramayay saxaafadda ayaa sharaxaad ka bixiyay natiijadda socdaalkii weftigiisa, isagoo sharaxaad ka bixinaya socdaalkaa wuxuu yidhi,  “Waxa aniga iyo weftiga heer qaran ah ee ila socotaaba aanu marka hore aad u salaamaynaa ummadda reer Somaliland. Farxad weyn ayay noo tahay inaanu dalkii dib ugu soo laabano. Waxaanu tagnay oo ka qeyb galay shir beesha caalamku ay iskugu yeedheen Somaliland iyo Soomaaliya. Shirkan oo daba socday shirarkii laga soo ambo-qaaday dalka UK oo lagu baaqay in labada dal wada hadal yeeshaan. Kulankanna kuwaasi ayuu daba socday.”
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inaanay waxba ka qabin wax wada qabsiga Somaliland iyo Somalia, balse ay  qaranimadda Somaliland tahay mid lama tab-taan ah oo aan gor-gortan geli Karin, isagoo yidhi,  “Waxaanu Madaxweynaha Somalia isku afgaranay oo ka wada hadalnay in wada hadalada labada dhinac ay sii socdaan oo wixii maslaxad loo arko laga wada hadlo.  Anagu (Weftiga) haddii aanu Somaliland nahay waxaanu mar walba ku adkaysanay, kuna adkaysanaynaa inaan waxba ka qabin wada hadalka walaalahayaga Soomaaliya wax wada qabsigeedda, Hase ahaatee gooni isu taaga Somaliland aanu ahayn marnaba wax gor-gortan geli kara oo madax-banaanideedu tahay lama taabtaan.”
Dhinaca kale Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka mid ahaa wefdiga Madaxweynaha,  ayaa sharaxaad  ka bixiyay qodobadii kasoo baxay shirkii labada madaxweyne ku yeesheen magaaladda Dubia, waxaanu ku  tilmaamay in kulankaasi diirrada lagu saaray sidii ay labada dal usii wadi lahaayeen kulamadooda wada xaajoodka ah.
“Kulankii ay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya yeesheen waxa nuxurkiisu oo ay isku waafaqeen in la sii wado oo taageero buuxda la siiyo shirkii labada Gudi ee Somaliland iyo Soomaaliya ka kala socday ee lagu qabtay magaaladda London iyo qodobadii ka soo baxay,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.


Wasiirka khaarajiga oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa labada madaxweyne ogolaadeen waxa uu ahaa in qaabka loo wada hadlayaa uu noqdo oo loo wada hadlo laba dhinac oo kala ah Somaliland oo dhinac ah iyo Dawlada TFG-da Soomaaliya oo dhinaca kale ah.”
“Laba Madaxweyne waxay fasaxeen in labadda gudi ay gudo galaan arrimaha muhiimka u ah laba dal ee bartilmaameedka laga dhigay shirkii hore. Waxaanu markaa rajaynaynaa in wada hadaladani ay Somaliland horumar weyn u yeeshaan madax-banaanideeda iyo horumarkeedaba.waxaanu rajaynaynaa inaanu Soomaaliya la yeelano xidhiidh wanaagsan oo jaarnimo,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadu.

IMG_1923.JPGIMG_1939.JPGDr. Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in labada dhinac ay ku wada heshiiyeen in ay iska kaashadaan Nabad-gelyada mandaqada oo uu tilmaamay inay tahay ta  mudnaanta koowaad la siinayo.

IMG_1909.JPGSidoo kale, Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa isaguna hadal kooban oo uu ka jeediyay shirkaasi jaraa’id waxa uu sheegay inay Somalia wada hadalka la sii wadayaan, hase yeeshee ay geed ka go’an iyo lama taabtaan tahay madax-banaanida Somaliland.
Markaa kadib  Madaxweyne, ayaa  la weydiiyay su’aalo la xidhiidha safarkooda iyo wada hadalada arrimaha ay kala hadleen, wuxuuna isagoo ka jawaabaya su’aal la xidhiidhay, maadaama dalka Imaaraadka carabta ee marti-geliyay shirkii lagu tiriyo  inuu safka hore kaga jiro dalalka ka soo hor jeeda qadiyada madax-banaanida Somaliland, sida ay ugu qanceen in lagu qabto kulankaa iyo inay mar labaad wada hadaladu ka dhacayaan Imaraadka ama dal carbeed oo kale, wuxuuna isagoo taa ka jawaabaya Madaxweyne Siilaanyo yidhi, “Dalkaasi anaga (Somaliland) iyo Soomaaliya ayay ina wada hadashiinayeen ee iyagu door kamay qaadanayn wada hadalka. cid kasta ha noqotee cidii iskugu kaaya yeedha. Wixii aanu u aragno madax-banaanida Somaliland waa mid aanu ku adag nahay oo aanaan cidna u dabo fadhiisanayn. Laakiin  Dunidda wixii ina dhex dhexaadinaya inaga iyo Soomaaliya ama iskugu keen yeedhaya cidna kuma gacan saydhayno”

IMG_1913.JPG
Sidoo kale mar la weydiiyay Madaxweynaha kulanka uu la yeeshay  Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka tarayo  aqoonsigii ay mudada dheer raadinaysay Somaliland, wuxuu yidhi, “Wuxuu shirkani ka tarayaa inay Somaliland Sh. Shariif iyo cid kasta u caddayso mowqifkooda iyo gooni isu taagooda. Somaliland qaranimadooda way ku adag yihiin, in kasta oo aanay diidaynayn in wax la qabsiga Soomaaliya iyo danaha badan ee ka dhaxeeya ee ay ka mid yihiin mucaawimada iyo budhcad badeedda” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
IMG_1948.JPGIMG_1959.JPG
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *