Guddi Hoosaadka Wakiilada U Qaabilsan Garsoorka Iyo Caddaaladda Oo Ka Dayriyay Xabsiyada Dalka Iyo Faragelinta Garsoorka Ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Hargeysa(ANN) Gudida Wakiilada Somaliland u qaabilsan Garsoorka iyo cadaaladda oo  kormeer ku maray  xabsiyada dalka ee dhinaca gobolada bariga, ayaa si xun uga dayriyay xaaladda xabsiyada dalka iyo faragelin qaawan oo ay sheegeen inay xukuumaddu ku hayso

garsoorka dalka. sidaana waxay ku sheegeen warbixin dheer oo ay shalay kasoo saareen xaaladaa, taas oo u qornayd sidan:-
Guddida oo hortaagan saldhiga caynabo kuna hadlaya ciidanka boolis ee goobtaa joogay
Guddida Garsoorka, Dastuurka, Cadaalaada iyo Xuquuqal Insaanka ee Golaha Wakiiladda
Guddigu iyaga oo fulinaya waajibaadka uu faray Dastuurka Qaranka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada, iyagoo sidoo kale ka duulaya muhiimada ah in la helo xog-dhab ah oo ku saabsan guud ahaan xabsiyada dalka, waaxda garsoorka iyo saldhigyada booliska, si loo sugo xaalada maxaabiista xidhan, garsoorka ay helaan, xad-gudubyada iyo gabood falada ka dhan ah xuquuqdooda,  waxaa kale oo  aanu rabnay in aanu wax ka ogaano nafaqada ay  helaan maxaabiista iyo nadaafada xabsiyada ay ku xidhan yihiinba.

Haddaba  Guddigu si ay u fuliyaan waajibaadkaas Qaran, waxaanu  qorshaysanay hawlgal aanu ku kor- meerayno dhamaan xabsiyada, saldhigyada iyo waaxda garsoorka(maxkamadaha iyo xeerillaalinta) ee  gobolka Saraar  magaalo madaxdiisa Caynabo iyo Gobolka Sanaag Degmooyinkiisa Ceerigaabo ceel afweyn iyo gar-adag
Si taas loo gaadho gudiga waxaa hagayey hawlgalkayagaas su’aalo aanu diyaarsanay (Questioner) oo aanu si siman u waydiinaynay masuuliyiinta xabsiyada, waaxda garsoorka iyo saldhigyada booliska ee goobahaas aan sare ku sheegnay. hawlgalkayagaas oo qaatay muddo (10) cisho ah oo ka bilaabantay
27.04.2012 ilaa 06.05.2012. Hawlgalkaayagan waxaa gacan naga siiyey hayada AWEPA  oo ah hay’add la shaqaysa baarlamaanada Africa iyo keenaba.  Su’aalahii aanu diyaarsanay waxay u dhignaayeen sidan hoos ku cad oo kala gaargaar ah.
1. Xabsiyada
Waxaanu doonaynay in aanu si buuxda wax uga ogaano:-
Guud ahaan maxaabiista xidhan tiradooda,  Tirada maxaabiista u xidhan Nabad-galyada, budhcad-Badeeda iyo siyaasada. Waxaa yool gaar ah aanu saarnay in aanu ogaano tiradda maxaabiista Rumaanka ah (Remand Prisons).ee xabsiyada ku muddo dhaafay
In aanu ogaano sida loo kala ilaaliyo maxaabiista bukta iyo kuwa caafimadka qaba. In ay xabsiyadu leeyihiin qaybta caruurta (Child Protection Unit) ama dumarka lagu hayo. In ay daawo helaan iyo in ay dhakhaatiir u gaar ah leeyiin.

Saldhigyada Booliska
Waxaanu si dhab ah u raadinaynay sidii aanu u ogaan lahayn maxaabiista saldhigyada ku xidhan ee mudo dhaafay.
Tayada dambibaadhayaasha saldhigyada.
Iyo Doorka dambibaadhayaashu ku leeyihiin maxaabiista rumaanka ah ee xabsiyada ku raaga ama muddo dhaafka ku ah.
Xeer-ilaalinta,  Waxaanu rabnay in aanu sidoo kale ogaano, tayada xeer-ilaalinta. Iyo Doorka ay ku leeyihiin maxabiista rumaanka ah ee mudo dhaaftay.
Maxkamadaha
Waxaanu doonaynay in aanu wax ka ogaano qaybaha maxkamada ee badiba ka shaqeeya gobol kasta sida (Ciqaabta, Madaniga, caruurta) IWM. Maxkamadaha wareega baahida gobolada sida ay wax uga taraan
Dadka muwaadiniinta ah ee gobolada jooga ee cadaalad daro ka cabanaya cida ay uga dacwoodaan waaxda garsoorka (maxkamadaha iyo xeer –ilaalinta). in ay jiraan  wax farogalin ah oo kaga yimaada maxkamadaha iyo xeerillaalinta xagga xukuumada, heer degmo, heer gobol ama mid qaran.
Doorka ay garsoorayaashu ku leeyihiin maxaabiista rumaanka ah ee ku muddo dhaafay xabsiyada.

Mudanayaal, Waxaa kale oo qorshaha noogu jirtay in aanu si guud u eegno baahiyaha kala gedisan ee hayadahaas aanu kormeeraynay ee ahaa xabsiyada, maxkamadaha iyo xeerilaalinta iyo saldhigyada booliska ee labadaas gobol.
Mudanayaal, markii aanu bilawnay hawlgalkiisi shaqo, anaga oo ka bilawnay magaalada Caynabo oo ah magaalo madaxda gobolka saraar, waxaa noo soo baxay arrimahan hoose:-
Maxaabiista garsugayaasha  ku ah xabsiyada ee muddo dhaafay :
A- Xabsiga Caynabo maxabiista  guud ahaan ku jirtaa waxay tiradoodu dhamayd (10) maxbuus , maxaabiista garsugyaasha mudo dhaafka   ku ahi waa sidan ( Remand prisoners);
Degmada Caynabo (2) Waxaa ka mid ah. Cawil Jama Ahmed oo xidhan ilaa 23.01.2012
Saleebaan Faraax Cabdi oo xidhan ilaa 19.03.2012

B- Xabsiga Ceerigaabo: guud ahaan  maxaabiista ku jirtaa waa (204) maxbuus, waxaa muddo dhaafay oo garsuge ku ah  xabsiga dhexe ceerigaabo  28 maxbuus waxaanay kala yihiin sidan :-

• Maxkamada Degmada waxaa muddo dhaafay hal maxbuus (1) Siciid Jaamac Xuseen oo ku eedaysan (480) waxaana xidhanyahay ilaa 10.04.2012.

• Maxkamada Gobolka waxaa mudo dhaaf u ah (2) Waxaa ka mid ah. Farxaan cilmi cali  oo ku eedaysan 434  oo  xidhan ilaa 02.10.2011 iyo Cismaan Jaamac Ismacil oo ku eedaysan 434 oo xidhan ilaa 21.10.2010

• Maxkamada Rafcaanka waxaa garsuge u ah (22) maxbuus  waxaana ka mid ah , Cali Axmed Cali iyo Cabdiraxmaan Adan Muxumed

• Maxkamada sare waxaa garsuge u ah (3) maxbuus oo xidhan waxaan ka mid ah, Cabdillaahi Maxamed Garaase(Diraac), Baashe Yuusuf Ibrahim  iyo Yaxye Faarax Caarshi.

C.  Xabsiga Ceel Afweyn: guud ahaan tirada maxaabiista ku jirtaa waxay dhamaayeen

(6) Maxbuus.

Wax garsugayaal ku ahaa 3 maxbuus oo kal ah sidan;

• Caydaruus Cali Xasan oo ku eedaysan qoddobka 434 una xidhan amarka xeer ilaalinta walina aan soo dhamaystirin kiiskiisa. Waxaa uu xabsiga ku jiraa ilaa 29.01.2011.
• Maxamed Jama Hassan oo ku eedaysan qoddobada 484, 440,398 waanu qirtay dhamaan dambiyada lagu soo oogay hase ahaatee ilaa hadda xukun
kama dhicin waxaanu xabsiga ku jiraa ilaa 14.04.2012
• Kinsi Cilmi maxamuud oo ku eedaysan qoddobka 434, waxaanay xabsiga ku xidhantahay ilaa 17.09.11
D. Xabsiga Gar-Adag: tirada guud ee maxabiista ku xidhanaa waxay dhamaayeen (9)
Kuma ay jirin maxaabiis mudd dhaafay.
Mudanaayaal intii aanu maraynay goobahan aanu kormeerka ku tagnay waxaa kale oo aanu aragnay ama noo baxay waxyaabahan hoos ku qoran:
XABSIYADA

1. Mudanayaal markii aanu darisnay si gaargaar ahna u waraysanay mas’uuliyiinta Booliska oo ay ku jiraan dambi baadhayaasha saldhigyada, madaxda garsoorka (Maxkamada iyo ku xigeenada xeer ilaaliyaha) . Waxaa noo soo baxday in arrinta la xidhiidha maxaabiista garsugayaasha ah ee muddo dhaafka ku ah xabsiyadda goobahan in masuuliyadeeda ay wadaagaan dhamaan madaxda hay’addaha kor ku soo sheegnay waana xadgudub sharciyeed oo laga galay maxaabiistaas mudo dhaafay ee xabsiga ku jira.

2. Mudanayaal, intii aanu hawshan kormeeerka ah ku jirnay maanaan arag maxabiis u xidhan guddiyada nabadgalayada ,siyaasad iyo budhcad badeed toona
3. Mudanaayaal, xabsiyada aanu kormeerka ku soo marnay ee caynabo, ceel afweyn iyo gar-adag waa xabsiyo ay dadka deegaanku ku dhisteen dadaalkooda oo mugooduna uu aad u yaryahay.
4. Mudanayaal,  xabsiga magaalada ceerigaabo  waa xasbi mudo hore la dhisay oo heer degmo mugiisu  ahaa, laakin iminka ay dib u dhis iyo balaadhin ay ku sameeyeen dadka deegaanku iyo mas’uuliyiinta gobolku.
5. Guud ahaan xabsiyada goobahan aan marnay waa qaar nadaafadoodu aad u wanaagsantahay.
6. Dhamaan xabsiyadan aan kormeerka ku tagnay malaha qaybta caruurta iyo dumarka midkoodna.

1- Saldhigyada
Dhamaan saldhigyada aanu marnay ee Caynabo, Ceel-Afweyn, Gar-Adag iyo Saldhiga dhexe ee Ceerigaabo guud ahaan maxaabiista ku xidhani waxay dhamaayeen (6) maxbuus, wax mudo dhaafay kuma ay jirin.
Maxkamadaha
Mudanaal sidoo kale waxaan xogogal u noqonay oo kormeerkaayaga noogu soo baxay in qaybaha maxkamadaha ee goboladaas ka hawlgalka ahi marka laga reebo ceerigaabo ay yihiin qaybaha ciqaabta iyo madaniga, Ceerigaabo  waxaa shaqeeya qaybaha kale oo dhan oo aanay ku jirin maxkamada caruurta sidoo kale kama jirto booliis caruureed.
Goobaahaa aanu kormeernay maxkamadahoodu waxay ka simanyihiin in aanay gaadhin shuruucdii dalka ee baarlamaanku ansixiyey .
Waxaa noo soo baxday oo aanu ogaanay in muwaadiniinta goboladaas ku nool hadii ay cadaalada daro ka tirsadaan madaxda garsoorka aanay jirin cid ay uga dacwoodan, cida hargeysa iman karta ee awood u leh inay u soo dacwoodaan  guddida cadaalada qaranka ay tahay tiro aad iyo aad u yar.
Waxay dhamaan madaxda garsoorku ka simanyihiin oo ay noo cadeeyeen inay jirto faro-galin toos ah oo ka timaada madaxda fulinta ee heer gobol iyo heer qaranba taas oo saamayn toos ah ku leh shaqadooda iyo go’aan gaadhistoodaba isla markaasna duraysa madaxbanaanida waaxda garsoorka.

• Waxaa jira maxaabiista dilka ku xukuman ee dhamaystay labada darajo ee maxkamadaha ee
Sugaya derajada maxkamada sare oo culays badan iyo baqe ku haya madaxda garsoorka iyo
Madaxda gobolkaba.
Wakiilada iyo ku xigeenka xeerilaaliyaha wax guno qaata waxaa jira mid kali ah
Gobolkan waxaa shaqeeya afar heer degmo,gobolka iyo Racfaanka.shan degmana
Garsoor kama jiro.
Haddaba, Mudanayaal waxaa xusid mudan oo aanan marnaba ilaabi karayn duruufaha adag ee guud ahaan ku xeeran hay’addahaas aanu kormeerka ugu baxnay sida; Maxkamadaha, Booliska iyo Xabsiyada duruufahaas  oo ah qaar saamayn taban ku leh hawl-qabadkooda.
Si kataba ahaatee baahiyaas aanu la kulanay ee hay’addahaas waxay ahaayeen sidan soo socota.
Baahiyaha Xabsiyada:
Dhamaan xabsiyada aanu tagnay waxay ka siman yihiin baahiyad guud sida:- Gaadiid la’aan, Gaadiis Xumi iyo gadiid yaraan Dirays la’aan, kuwa dirayska xidhan ay noo sheegan inay iibsadeen

Dhamaan xabsiyada aanu booqanay waxay ka cabanayaan Ciidan yari
Qalab la’aan, sida qalabka xafiisyadda iwm. Dhamaan xabsiyadu waxay ka siman yihin daawo la’aan,  laydh la’aan marka laga reebo degmada ceerigaabo. Dhamaan xabsiyada aanu booqanay waxay ka siman yihiin dhakhtar la’aan haysata. Dhamaan xabsiyani waxay  ka siman yihiin baahida ay u qabaan dhismayaal lagu kordhiya xabsiyadooda ama kuwa hore oo la dayac tiro.  Waxaa jira gaadiid dayactir u baahan. Waxaa jira afar degmo oo ciidan ka jiro laakiin aan xabsiyo lahayn oo u baahan in xabsdiyo laga dhiso.
Xabsiyadaas qaarkood malaha barkad biyood qiimaha biyahuna waxa uu marayaa 25000 shsl. Malaha isgaadhsiin iyo guryo ciidanku galo midnaba
Saldhigyada;
Dhamaan saldhigyada goobahaas aanu soo marnay waxay ka simanyihin baahiyaha guud sida; Xaga dhismayaasha oo ah qaar aad u yaryar oo dayacan oo aan lagu hayn Karin dad dambiilayaal ah.
Saldhigyadu guud ahaan waxay ka cawdeen hawlaha ay hayaan iyo ciidankoodu inaanu is dabooli Karin. Qalab la’aan baahsan oo haysata dhamaan saldhigyada magaalooyinka aanu booqanay sida qalabyada xafiiska lagu isticmalo (stationary)  iyo computer ama types.
Dhamaan saldhigyada aanu booqanay waxay ka simanyihiin Shidaal yari ama shidaal la’aan, saldhigyadu qaarkood  waxaa shidaal yar ku caawiya dawladaha hoose ee magaalooyinkooda.

Mudanayaal, waxaa dhaba in saldhigyada tayadda dambi baadhistoodu ay qayb ka tahay qalab xumida, shidaal yarida ama shidaal la’aanta iyo tobabar yaridoodam, ama tobabar la’aantooda.
Saldhigyada aanu booqanay qaarkood waxaa haysta dhibaato laydh iyo biyo la’aan.
Garsoorka ( Maxkamadaha iyo Xeer ilaalinta);
Guud ahaan maxkamadaha goobahaas aanu booqanay waxay ka siman yihiin baahiyana dhismaha maxkamada iyo duruufo kaleba waana sidan;
Caynabo waxay leedahay hal qol oo maxkamad degmo ah oo aad u liita, Garadagna maba laha dhisme maxkamadeed waxayna si ku meel gaadha ah ugu sii shaqeeyaan qol yar oo uu leeyahay saldhiga booliska garadag. Ceel afweyna waxay u baahantahay in la balaadhiyo dhismaha maxkamada oo aad u liita.
Waxaa jirta qalab la’aan aafaysay hawl-maalmeedka madaxkamada oo ay ka simanyihiin. Xafiisyada xasuus dhawr gabi ahaanba malaha dhamaan maxkamadaha aanu soo marnay waanay ka simanyihiin.
Guud ahaan waxay ka simanyihiin maxkamada iyo xeer ilaalintu gadiid la’aan, marka laga reebo xafiiska maxkamda rafcaanka ee Ceerigaabo.
Nabad-gelyo daro ayaa haysta dhamaan garsoorayaasha iyo xeer-ilaalinta magaalooyinkaas aanu booqanay. Xafiiska xeer-ilaalintu wuxuu kala siman yahay xaga baahiyada guud ee haysta maxkamadaha.
Waxaa jira baahiyo ay ka simanyihiin Maxkamada iyo Booliska gobolka ceerigaao sida ay noo sheegan madaxda gobolkaas,waxaana ka mid ah arrimahan. Waxaa jira dad la isku haysto oo u baahan in la kala saaro oo la cadeeyo cida qofkan la isku haysto xaq u leh.
waxaa jira dad uu soo gaadho dhaawac, oo dhaawac muujintiisa loo baahanyahay ugu yaraan sadex dhakhtar inay saxeexan cadaynta dhaawac si loo garan karo dhibaatada dhaawaca inta uu leegyahay.
Sidaasi darteed, aanay jirin aqoontii iyo qalabkii si fudud loogu kala saari lahaa dadka is haysta. Waxa jirta sida aan hore u soo sheegnay in baaxada dhul ahaaneed ee gobolkan sanaag ay aad u wayntahay taasi oo ku keentay boolis iyo xeer ilaalinta inay hawlaha baadhiseed ee la xidhiidha cadaymaha iyo baadhista fal-dambiyeedyada ka dhaca gobolkan. In ay waayaan awood gadiid iyo mid shiidaal oo ay ku tagaan goobaha dambigu ka dhacay, taasi oo saamayn balaadhan ku yeelatay hawl-qabadkoodii.
Waxaa iyana ka maqan qlabkii baadhista cadaynta faraha
Fiiro Gaar ah:
Waxaa fiiro gaar ah mudan in gobolkan sanaag uu yahay gobolka ugu wayn gobolada Somaliland, in uu yahay gobol ka fog xafiisyadda maamulada dhexe ee heer qaran.
Waa gobol kaabayaashiisa wadooyinku aad u liitaan oo xanib wayn ku ah xaga xidhiidhka xafiisyadiisa, hay’adaha caalimiga ah iyo kuwa wadaniga ahba.

Sidaa daraadeed, arrimahaasi waxay sababeeb in dhibaatooyinka gobolada dalka ay la wadaagaan ay iyaga laban-laab ku tahay.

Waa gobol mas’uuliyiintiisa heer gobol ama degmo ay ku jiraan dadaal gaar ahaan sadexda  hay’adood ee kormeerkayagu ku eekaa sida (Maxkamadaha, Xabsiyada iyo saldhigyada Booliska), oo sida aanu ku aragnay ay ku mashquulsanayeen xaga dhismayaasha hay’adahooda daboolida baahiyahooda gaar ahaan madaxa xabsiyada gobolka sanaag. (Maxamed Digaale) mas’uulkasa oo xabsiga ceerigaabo ku kordhiyay dhismayaal faro badan xabsigii hore usameeyay beer balaadhan oo qudrad ah oo maxaabiista cuntada loogu daro, kordhiyayna dayr xabsiga ceerigaabo, suurana galiyey dhismaha xabsiga cusub ee ceel afweyn, haddana ka wada dhisme cusub oo balaadhin ah oo aad u wayn xabsiga gar-adag. Ciidankiisa Asluubta ee heer gobolna ay ka muuqato inay yihiin ciidan dhisan. una baahan in la dhiirigaliyo oo ay la qabtaan hay’adihiisa qaran inta ka dhiman ee suuragalka ah.

Sidoo kale, magaalo madaxda caybo oo ah gobol cusub oo mudo yar jiray oo hay’adahiisa dawliga ah ee heer gobol iyo heer degmo oo magaalada ahi ay tagan yihiin bar-bilow inkastoo magaalada madaxda gobolka saraar ee caynabo ay gasho wadada ugu wayn ee muhiimka ah.

Hasayeeshee ay ka muuqato dadaal madaxda gobolkaas ee hay’adahan aanu kormeerkayagu khuseeyey iyo kuwa kaleba, kuwaas oo suurto galiyey in ay  dhisteen xabsi cusub oo hadda si rasmi ah u shaqeeya kana  hawlgalaan ciidankii asluubtu ee heer gobol. Waxaa kale oo ay saldhiga caynabo ku kordhiyeen laba qol runtiina uu ka muuqday dedaal ay ugu jiraan sidii ay isku duubni wax ugu qabsan lahaayeen.

Soo jeedinta Guddiga Garsoorka, Dastuurka, Cadaalada iyo Xuquuqal Insaanka ee Golaha Wakiilada

1. Waxaanu talo ku soo jeedinaynaa in maxaabiista xabsiyada ku mudadhaafay ay dabeecad ahaan sharciga iyo caddaalad ahaanba
wax u dhimayso  (the nature of justice) si taas looga badbaado waxaa waajib ah in dambi baadhista, xeer ilaalinta iyo garsoorayaasha maxkamaduhu iska kaashadaan sidii looga bixilahaa arrinkaas.
2. Xukunada fulinta u bislaaday ee dhamaystay darajada maxkamadaha, fulintoodu waa waajib, fulin la’aantooduna waxay keenaysaa in ay dadku ku fushadaan sharciga gacatooda oo garsoorka ka niyad jabaan, markaasna nabadgelyo daro ka imanayso, waxaa muhiim ah in fulintooda hay’addaha ku shaqada lihi iska kaashadaan.
3. Waxaanu u soo jeedinayaa madaxweynaha in uu hawlgeliyo xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka is uu u guto waajibaadka ah in uu si dhab ah u faafiyo dhamaan xeerarka dhaqan galka ah ee golaha baarlamnku ansixiyey, loona gaadhsiiyo gobolada dalka oo dhan si loo daboolo baahida ka jirta.

4. Waxaaa jira arrin ku baahsan gobolada oo dhan kaas oo ah, farogalinta xukuumada ee maxkamadaha, hadday tahay heer Degmo, Gobol, Rafcaan iyo Sare-ba. Farogalintaas oo saamayn togan ku leh hawsha cadaalada iyo goaan qaadashada  garsoorayaasha.Sidaas-daraadeed waxaanu u soo jeedinaynaa xukuumadu in ay joojiso dhaqamada noocoos ah,oo ay sugto madax banaanida waaxda garsoo
5. Waxaa waajib qaran ah oo xukuumada iyo hay’addaheeda qaran aanu u soo jeedinaynaa, in ay  u hawlgalaan sidii loo tayeyn lahaa guud ahaan booliska  gaar ahaan dambi baadhayaasha, xeer ilaalinta  iyo garsoorayaasha maxkamadaha, si loo suuliyo tayo darida ka jirta hawlahooda, hadii ay tahay xagga agabka ay ku shaqeeyaan, kordhinta aqoontooda iyo xaga isku xidhka wada shaqayntoodaba  taasi oo muhiim u ah hawsha ay qaranka u hayaan.
6. Waxaa waajib qaran ah oo aanu u soo jeedinaynaa, in maxkamada sare iyo guddiga cadaalada qaranka ay qorsha hawleedkooda ku darsadaan sidii ay u tagi lahaayeen gobolka sanaag taas oo loo baahan yahay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *