Hargeysa(ANN) Dr. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Kadib markii uu ilaa April 2012,  ku maqnaa dalka Britain oo xaalad caafimaad loo geeyay dhaawac kasoo gaadhay shirweynihii Kulmiye ee ugu danbeeyay. C/raxmaan oo  kasoo

degay Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa, waxa si weyn ugu soo dhoweey halkaa siyaasiyiin ka socday xisbiyada mucaaradka, Ururada siyaasada, madaxdhaqameed iyo  boqolaal dadweynaha magaalada Hargeysa.
Guddoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga KULMIYE  Dr. Cabdiraxmaan  Cabdiqaadir oo la hadlay dadweynihii soo dhaweeyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida loogu soo dhoweeyay dalkiisa, isagoo dareenkiisa ka  hadlayana  wuxuu  yidhi,  “Aad iyo aad ayaan dadkiinan faraha badan ee isoo dhaweeyay idiin salaamayaa. Runta markaan idiin sheego ma aan filayn in intan oo dad ahi inay isoo  dhawaynayaan. Waxaan is lahaa dhawr qof oo asxaabtaadii ah ayaa kuugu imanaya madaarka,  Walaalayaal wixii aan odhan lahaa idinka ayaa hore iyo imikaba u yidhi,  oo ku tiiq-tiiqsaday oo gobol kasta iiga hiiliyay. Waxa la iiga hiiliyay Awdal, Togdheer, Hargeysa, Sool, Sanaag  iyo Saaxil-ba waa la iiga hiilayay run ahaan, markaa waxa ii sharaf ah inay dadkiinan oo dhami igu soo dhoweeyaan dalkayga Hooyo” Ayuu yidhi.
Dr. C/raxmaan, wuxuu sheegay inuu dhawr sanadood ka hor rumaysnaa inaanu ahayn xaafad ee uu yahay Xisbi, balse ay taa wax iska bedeleen hada, wuxuuna isagoo isbedelkaa ku yimi sharaxaya yidhi, “Waxaan idiin sheegayaa sanadkii 2004- ayaan khudbad ka jeediyay Huteelkii Ming-sing ee Hargeysa,  waxaan maalintaa  idhi,  Tol ma lihi ee xisbi baan leeyahay. Maanta waxaan leeyahay Xisbi ma lihi ee waxaan leeyahay Tol oo bulshadiinan isoo  dhawaysay ayaa ii Tol ah. Bulshada Somaliland oo ah dad gob ah oo xaqdarada ka dagaalama ayaa aniga wax ii ah,”ayuu yidhi C/Raxmaan C/Qaadir.
Dr. C/qaadir  wuxuu  usoo jeediyay bulshada  inay mar walba u hiiliyaan cadaaladda, kana dhiidhiyaan cadaalad –darrada, isagoo  Ilaahay  uga baryay inay  shacbigu helaan siyaasiyiin daacad ah oo hoggaamiya.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *