Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa manta dhambaal hambalyo ah u diray shacbiweynaha Somaliland gudo iyo dibadba sanad-guurada 51-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland ay xornimadeedii ka qaadatay mustacmaradii

Boqortooyadii Britain 26-kii bishii June 1960-kii.
Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxaanu u dhignaa sedan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) Isaga oo ku hadlaaya Magaciisa iyo Ka Qaranka Somalilandba waxa uu Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa Dhamaanba Shacbiga Reer Somaliland Meel kasta oo ay joogaanba, Dalka Gudihiisa iyo Debadiisaba, Xuska, Munaasibada Sannad Guurada 51-aad ee ka soo Wareegtay 26-June-1960 oo ah Maalintiii ay Somaliland Madaxbanaanideeda ka qaadatay Mastucmaradii Boqortooyada Ingiriiska Uk.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu Shacbigiisa reer Somaliland u rajaynayaa inay Sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan nabad,guul iyo Barwaaqo, waxaanu ugu baaqayaa in ay dhan uga soo wada jeedaan adkaynta nabad-gelyada iyo qaranimada Somaliland isaga oo ku ammaanaya sida ay markasta heeganka ugu yihiin ilaalinta iyo difaaca Qarannimada Somaliland.”

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *