Hargeysa(ANN)Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 4aad iyo 8aad ayaa maanta si rasmiya uga bilaamay guud ahaan Gobihii loo qoondeeyay ee Dusgiyada Waxbarashada ee Dawlada Somaliland.Imtixaankan oo ay Sanadkan u fadhiisteen in ka badan 15500 oo Arday oo isugu jira

Dugsiyada dhexe iyo kuwa Sare, waxa uu ku biiaamay jawi degen oo nabad-gelyo ah. iyadoo saaka subaxnimadii hore la arkayay ardayd ku labisan Dirayskooda iyo Kaadhadhka loogu talo galay inay imtixaanka ku galaan oo ku sii qul-qulaya goobaha ay imtixaanka ku gelayaan.
Qaar ka mid ah Ardaydii maanta Imtixaanka u fadhiistay oo dareenkooda cabiriya  ayaa sheegay in Imtixaanku si degan ugu bilaamay, isla markaana aanay wax dhibaato ahi ka dhalan bilawgiisii ” Imtixaanku waxa uu ku bilaamay jawi degen oo aan lahayn wax carqalad ah oo ka horyimaada Imtixaanka ama aanu kala kulanay, taasoo ay sabab u ahayd imtixaanka oo fududaa awgeed”. Laakiin qaar ka mid ah Ardayda ayaa walaac ka muujiyay qaabka loo aamini karo in suuq madaw la geliyay imtixaanka. Iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in maadooyinka qaar ka mid ah Imtixaanka suuqa madaw lagu kala iibsanayay labadii maalmood ee u danbeeyay.
Laakiin  Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo tan iyo intii Imtixaankani soo foodyeeshay ay fadeexado la xidhiidha imtixaanka suuqa galay kusoo baxayeen ayaa ku hawlanaa  sidii tuhunkaa iyo walaaca Ardayda qaarkood meesha looga saari lahaa, isla markaana loo dhamaystiri lahaa  hawlaha imtixaanka, kaas oo saaka subaxnimadii shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen Imtixaaano Foojari ah oo ardayda Suuqa laga Iibinayay labadii Maalmood ee ugu Dambeeyay, kaas oo sida uu sheegay Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanadka Qaranku ahaa mid ardayda lagu majara habaabinayay.
Imtixaanka Xafiiska Imtixaanadka Qaranku gacanta ku dhigay oo ahaa Maadada Diinta waxa uu sheegay Guddoomiyaha Xafiiskaasi Daa’uud Axmed Faarax inaanu ahayn kii ay Wasaaradu qaadaysay.
Dhinaca kale qaar ka mid ah Ardayda Imtixaanka u fadhiistay oo aan kala sheekaystay inuu jiro Imtixaaan suuqa la soo geliyay oo ay heleen ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin arintaasi, isla markaana ilaa xalay ay maqlayeen in Imtixaan la helay. Laakiin qaar baddan oo ka mid ah ayaa weli ka walaacsan natiida Imtixaanka iyo sida laysugu halayn karo inaanu mar kale suuqa madaw gelin imtixaanku sidii horeba u dhacday maalmihii lasoo dhaafay.
Haseyeeshee Wasaarada Waxbarasha, Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, Guddida Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa iyo Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka Dalka ayaa Imtixaankan  si wada jir ah isaga kaashanaya ilaalintiisa, sida ay hore u shaacisay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.kadib markii ay dhowaan soo baxeen fadeexado musuq-maasuq oo sababay in suuqa madaw lagu kala iibsado imtixaanka Ardayda dugsiyada qaarkood.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *