images/stories/images.jpg  Hargeysa (ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  gudoomiyeyaal cusub iyo gudoomiye xigeeno u magacaabay gobolada Maroodi Jeex,Togdheer,Saaxil, Hawd, Gabiley iyo Sarar, halka uu gobollada Sanaag iyo Salal dib ugu magacaabay Badhasaabadii hore u joogay inay hawsha halkaa ka sii wadaan sidaan waxa lagu sheegay war saxaafad kooban oo maanta kasoo baxay qasriga madaxtooyada.

Warsaxaafadeedka oo dhamaystirani wuxuu u qornaa sidan;-

“Madaxweynuhu, isaga oo tix-raacaya qodobka 90-aad ee dastuurka JSL, isla markaana tix-gelinaya ahmiyada wayn ee ay goboladani u leeyihiin dhismaha Qaranka, tixgaliyayna kartida, aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee ay leeyihiin waxa uu u magacaabay in ay guddoomiyayaal ka kala noqdaan

1. Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje).

Gudoomiye ku xigeen gobolka Maroodi-jeex:Mawliid Weris Cabdilaahi

2. Gudoomiyaha Gobolka Togdheer. Yaasiin Maxamed Cabdi

Gudoomiye ku xigeen gobolka Togdheer: Cabdi Daahir Caynaanshe

3. Gudoomiyaha Gobolka Saaxil: Maxamuud Cali Hayste (Ramaax)

Gudoomiye Ku xigeen gobolka Saaxil khaddar Cali Cilmi

4. Gudoomiyaha Gabiley Rashiid Cumar Sh. Maxamed

Gudoomiye ku xigeen gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case)

5-Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye,

Gudoomiye ku xigeen gobolka Sool Axmed Aadn Carte

6- gudoomiyaha gobolka Hawd: Jamaal Xuseen Hurreh

Gudoomiye ku xigeen gobolka Hawd khaddar Ibraahin Jaamac

7-Gudoomiyaha gobolka Saaraar: Ibraahin Xasan Cali

Gudoomiye xigeen gobolka Saaraar: Ibraahin Jaamac Maxamed

8-Gudoomiyaha gobolka Salal: Maxamed Muuse Bucul

9-Gudoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurreh (dib-u-magacaabid)

Madaxweynuhu waxa uu gudoomiyeyaashii hore iyo ku xigeenadooda hore ee gobolada Maroodi-jeex. Saaxil, Togdheer, Sool, Saraar, Hawd iyo Gabiley uga mahad-celiyay muddadii ay xilka soo hayeen, iyada oo ay sunnaha dawladnimo tahay isbedelku awgeedna waxa uu Madaxweynuhu faray inay sida ugu dhakhsaha badan ugu wareejiyaan masuuliyiinta cusub ee xilalka loo magacaabay.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *