images/stories/hadaaftimo.jpg  Hargeysa(ANN) Hoggaamiyaha maleeshiyada dagaalka kula jirta maamulka Puntland ayaa sheegay in kooxdiisu ay dib uga guratay tuullada Galgala oo ay ciidanka Puntland gacanta ku dhigeen maalinnimadii shalay. Sheekh Atam, wuxuu xusay in wixii haatan ka danbeeya xeeladda dagaal ee ay adgeesanayaan ay noqon doonto mid “ku dhufo oo ka dhaqaaq ah”. Attam, wuxuu sidaa ku sheegay

 waraysi uu siiyay Idaacada BBC-da laanteeda Af-soomaaliad, taas oo uu Attam sheegtay in maleeshiyadiisu ay khasaare gaadhsiiyeen ciidanka Puntland, wuxuuna sidoo kale ciidanka Puntland ku eedeeyay inay geysteen falal kala duwan oo ay ku jirto bililiqo iyo waliba gubista Beero ku yaala tuullada Galgala.
Sheekh Attam ayaa mar kale sheegay in aanu  wax xidhiidh ah la lahayn kooxda Al-shabaab ee koonfurta Somalia ka dagaalanta, laakiin waxa uu qiray in kooxdiisu doonayso in meelaha ay ka taliyaan ay shareecada Islaamka ku dhaqaan, taaso waliba, sida uu sheegay, ay la qabaan cuqaasha iyo waxgaradka degan deegaanka uu ku sugan yahay.

 

 

 

 
Dhinaca kale qarax maanta ka dhacay saldhig ku yaal magaalada Boosaaso waxa ku  dhaawacmay saddex ka mid ah askartii joogtay saldhiga, halka qofka afraadna uu yahay qof rayid ah sida ay sheegeen dad goob joog  ahi.
Ciidanka jooga salldhiga ayaa rasaas badan furay ka dib qaraxa, waxayna sameeyeen baaritaan ay ku soo qabteen afarta qof oo hadda gacanta lagu hayo.

 

 Qaraxan ayaa  dhacay xilli shaley gelinkii hore saraakiisha boolisku sheegeen in ay qabteen miino dhulka lagu aasay oo aan qarxin taasoo laga heley wadada laamiga ee dhex marta magaalada.
Amniga magaalada Boosaaso ayaa sii xumaanayay maalmihii u danbeeyay, iyada oo uu ka jiray  kacdoon iyo xamaasad ,oo magaalada ay hadheeyeen dagaalada ka socda buuraleyda Galgala,halkaas oo ay ku dagaalamayaan ciidanka deegaanka iyo ciidanka Puntland oo u badan kuwa ay dadku u bixiyeen Ashahaado-la-dirirka ee loosoo gaabiyo (PIS).
Dagaalada ka socda halkaa ayaa sababay in magaalada hadaaftimo ee Gobolka Sanaag dadweyne farabadan oo isugu jira rag iyo dumarba, isugu soo baxeen, kuwaas oo socod ku maray jidadka magaalada iyagoo ku dhawaaqayey  “Doonimayno FAROOLE  BEERA GUBE” taas oo ay  iyagoo ula jeedaan  madaxweynaha puntland  oo la sheegay in ciidamadiisu gubeen Beero badan oo ku yaaley magaalada GALGALA  markay qabsadeen halkaa.
 
dareenkan dadka kiciyey ayaa yimid Ka dib markii maalmihii la soo dhaafay dagaalo ka dhaceen deegaanka GALGALA oo ay kula wareegeen ciidanka puntland deegaanka galgala, isla markaana la sheegay in ciidamada darawiishta puntland ay  gubeen Beerihii halkaas ku yaaley ee dadku lahaa, iyadoo deegaanka Galgala ay caan ku tahay Beeraley, isla markaana ay Timirtu aad uga baxdo deegaankaa.
 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *