Hargeysa(ANN)Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) oo ku jira xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, ayaa fariin kooban oo uu usoo dhiibay qof ehelkiisa ah ku sheegay inuu maqlay in magaciisa lagu daray Liiska madaxdhaqameedka Somaliland ee Dawlada Somalia ku sheegtay inay

 

ka qaybgelayaan shirka magaalada Muqdisho oo ay ku casuuntay.  Sidaa awgeed uu aad uga xun yahay in magaciisa lagu soo daro Liiskaa casuumada, isla markaana ay tahay wax lagu qoslo  oo layaab ku noqotay.
Fariinta Boqor Cismaan usoo dhiibay qofkaa eheladiisa ka mid ah , waxa uu ku sheegay inuu yahay Nin Madaxdhaqameed ah oo aaminsan dadkiisa iyo dalkiisa Somaliland, isla markaana aanu isagu ahayn mid weligii lala xidhiidhiyay arrimaha Soomaaliweyn iyo wax ka hor imanaya qaranimada iyo jiritaanka dalkiisa Somaliland, taas oo  cid walba ay ogtahay sida uu qaranimada dadkiisa iyo dalkiisa u difaacayay oo xadhig iyo cabudhin kasta oo loo geystaa aanay waxba ka bedeli dooniin mawqifkiisa qaranimada Somaliland. laakiin ay nasiibdaro tahay in isagoo xabsi ku jira oo aan is difaaci karin liis noocaas ah lagu qoro magaciisa, isagoo aan waxba ka ogayn.
Sidoo  kale wuxuu Boqor Cismaan fariintaa, ku sheegay in qareenadii u doodayay ka bexeen difaacii dacwadiisa. Kadib markii ay arkeen faragelinta qaawan ee lagu sameeyay Garsoorka uu cadaalada ka sugayay. Sidaa awgeed aanu kusoo laabanayn Maxkamadda ilaa inta uu ka helayo garsoor ka madaxbanaan siyaasada oo lagu kalsoonaan karo oo uu xabsiga ku jirayo.  Dhinaca kale Liiska magacyada madaxdhaqameedka la sheegay in shirkaa lagu casuumay, ayaa lagu arkay salaadiin, Boqoro  iyo Odayaal kale oo Somaliland ah, kuwaas oo aanay  waxba kala socon intooda badani.
Qareenada Boqor Cismaan Buur-madaw oo kala ahaa Maxamed Jaamac iyo Maxamed  Siciid, ayaa ka baxay dhegeysiga dacwadaa oo maalintii labaad 3 May 2012 ka socotay Maxkamadda Gobolka hargeysa, iyagoo sheegay in xukuumaddu faragelin ku samysay garsoorkaa dacwadaa, isla markaana xeer Ilaalinta oo dacwada oogaysay ka dhega adaygtay inay fuliso go’aan garsooraha Maxkamadda C/rashiid Duraan hore u soo saaray, balse uu ka noqday markii culays kaga yimi dhinaca xukuumadda, taas oo fadeexad ku noqotay garsoorka, isla markaana lumisay kalsoonidii iyo rajadii laga qabay.
Tan iyo Markii Boqor Cismaan Aw Maxamuud loo taxaabay xabsiga  badhtamihii  bishii March, waxa soo baxayay baaqyo gudaha iyo debedaba kaga imanayay xukuumadda oo lagu canbaaraynayo xadhigiisa, iyadoo baaqyadaasi ka imanayeen Haya’addaha  caalami ah ee xuuquqda Aadamada ,  waxaana ugu danbeeyay baaqyada xukuumadda lagaga dalbanayo in xoriyadiisa loo soo celiyo Boqor Cismaan 81 Madax-dhaqameedka Salaadiinta Somaliland  oo laba maalmood ka hor kulan ay xukuumadda la yeesheen kaga dalbaday in xoriyadiisa loo celiyo Boqor Buur-madaw.
Sidoo kale Todobaadkan gudihiisa waxa xabsiga  dhexe eek u xidhanyahay ku booqday Boqor Cismaan  saraakiil ka socotay Hay’adda caalamiga ah ee  Human Rights Watch, iyadoo ay horena Dublamaasiyiin shisheeye, Madax-dhaqameedka Somaliland iyo qaybaha kale ee Bulshadu baaqyo lagu canabaaraynayo xadhigiisa kasoo saareen,  balse dhawaa qyadaa  ayaa noqday kuwo ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dhegaha ka furaysatay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *