Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, shirgudoonka  Guurtida, wakiilada golaha wasiirada ee xukuumadda, siyaasiyiin,  aqoonyahan Abwaano  iyo kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga Somaliland ayaa

 

maanta ka qaybgalay aaska abwaankii caanka ahaa ee Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo 1 Oct, 2012 todobaadkii hore ku geeriyooday dalka Norway.
Maydka Marxuumka oo saaka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Berbera, ayaa barqadii lagu aasay xabaalaha Xeedho ee Woqooyiga Hargeysa.
https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13a3fdaa8ef06810&attid=0.14&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1349726932655&sads=Qs-aLUN0Z0CvP6ySZQg6tlzFhQk&sadssc=1
Madaxweyne Siilaanyo oo weedho kooban ka yidhi shaqsiyadii  Marxuumka ayaa sheegay in Abwaan Gaariye uu ahaa shakhsi wanaagsan oo door shariif ah ka soo qaadatay halgamadii kala duwanaa ee dalka soo maray iyo dib u dhiskii iyo nabadeyntii Somaliland, isla markaana uu Marxuumku ahaa nin mudakar ah oo saamayn weyn iyo taariikh lama ilaawaan ah ku lahaa shacbiga iyo qaranka Somaliland

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka waxaanu Illaahay uga baryay inuu marxuumka naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii iyo ummadda Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna ka hadlay taariikhdii marxuumka iyo xiligii ay is barteen, isagoo yidhi,  “1959-kii ayaanu Dugsiga Biyo-dhacay (Hargeysa), ayaa nala  wada qoray oo isku fasal ayaanu noqonay,  ilaa dugsigii dhexe, markii dambe aniguna Camuud ayaan tegey, isaguna dugsiga Sheekh, haddana Muqdisho ayaanu isugu nimi, isagu Lafoole ayuu galay, aniguna Ruushka ayaan tegey, haddana SNM ayaanu isugu nimi.” ayuu yidhi Gudoomiyaha Kulmiye oo ka sheekeeyay aqoontii uu Marxuum Gaariye u lahaa, wuxuu ku tilmaamay shaqsi qiima badan ku lahaa bulshada Somaliland oo taariikhdu xusi doonto.
https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13a3fdaa8ef06810&attid=0.17&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1349727001238&sads=PgNSGiwj06ZkHdP7ysZIcKK_KnU
Sidoo kale Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ay saaxiibo mudo dheer ahaayeen marxuumka, isla markaana nolol iyo duruufo badan soo wada mareen ayaa ka hadlay aqoontii ka dhaxaysay marxuumka.  Abwaan Hadraawi wuxuu isagoo ka hadlaya shaqsiyadii marxuumka ay saaxiibada ahaayeen yidhi,  “Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) Nin tirin karaya Taariikhadiisa anigu ma ihi, waayo shar iyo Khayra-ba waan usoo wada maray. Maxamed Xaashi Dhamac wuxuu ahaa nin geesiya oo ku dhac leh oo Mab’da leh”.
https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13a3fdaa8ef06810&attid=0.10&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1349727242978&sads=-wHKAoTUdnFmavMRK_GP7kClO4c
Abwaan Hadraawi waxa uu sheegay inay sadexdaa arrimood hanti u ahaayeen marxuumka oo ka muuqdeen Gabayadiisa iyo hadalkiisaba, Ummaduna ay  ka wada war hayso Shakhsiyadiisa.
“Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) laba qof maanu ahayn ee qof qudha ayaanu ahayn oo mataano ah, halis iyo wax walba waanu u badheedhnay, oo afartan sanadood ayaanu tirsanaynayoo (inta aanu saaxiibka ahayn) oo nin aanu isku milanay ayuu ahaa oo mabda’ayaga ayaa isu kaaya keenay.” ayuu yidhi Abwaan Hadraawi oo wejigiisa ay ka muuqato murugo. wuxuuna Illaahay uga baryay marxuumka inuu janadii fardawsa ka waraabiyo qoyskii iyo umada uu ka baxayna  samir iyo iimaan ka siiyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *