Muqdisho(ANN)Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kampala ee Dalka Ugandha, isagoo kullamo la qaadan doona Hogaamiyaha dalkaa Yoweri Musaveni.

Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalaya dabaal deg loo samaynayo sanad guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay markii Ugandha ay xoriyadeeda ka qaadatay gumeystihii dalka Ingiriiska. Socdaalkan oo ah kii  u horeeyey  ee uu dalka kaga baxo tan iyo markii la doortay 10 Sep 2012.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir jar’aaid  ku qabtay gegida dayuuradaha ee Muqdisho ka hor intii aanu dhoofin ayaa  sheegay inuu madax caalamka ka socta  kulmi doono munaasibadaa.
Dhinaca kale, intii uuna ka bixin dalka,  waxa Madaxweynuhu uu Aqal Madaxtooyada kula kulmay Xoghayaha Guud Ururka Iskaashiga Islaamka Akmaludine Oglo.

Madaxweynaha Somalia ayaa ka mid noqonaya  Madaxda 14-dal oo ka qeybgalaya dabaal degaa, waxaana wehliya Wafdi Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan.

Dalka Ugandha ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo fara badan oo qeyb ka ah Ciidamada Afrikaanka  ee taageera dawlada Somalia, kuwaas oo dagaal kula jira kooxda Al-shabaab ee ka dagaalama Somalia.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *