Hargeysa(ANN)Gudida diiwaangelinta ururadda siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaa maanta heshiis la saxeexday Ururada iyo xisbiyada ka qayb gelaya doorashada golayaasha deegaanka, heshiiskaa oo ku saabsan anshaxa doorashada, ayaa lagu saxeexay

Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha guddida diiwaan-galinta Ururada iyo ansixinta axsaabta Cabdirisaaq Cumar Jaamac (Ciyaale) oo ka hadlay heshiiskaa ayaa  yidhi,  “Waxa la dooranayaa waa 379 Mudane (Urur/xisbi kasya), suurto-galna ma noqonayso nin saddex ama laba gobol cod badan ka helay uu xisbi qaran noqdo, kii dalka oo dhan ka shaqeystay ee xildhibaanada ka soo helay dalka oo dhana aanu noqon mid hadhay Markaa qodobka ugu horeeya ee xeerka oo sheegaya inuu gobol kasta xisbigu ka helo 20% ayaa xeerka hogaaminaya, xisbiguna waxa uu ku soo baxayaa shaqada uu shaqeystay, 20%-kana waxa gooyey codka gobolka uu ka helayo”

“Markaa si aanu u iman muran kale xeerkii oo siddiisa ah inuu qofkii ogaado inuu saxeexay, si uu bari isku yidhaahdo way ku qabanayaan haddii aad dadka si kale ugu waranto,”ayuu yidhi Gudoomiyaha Gudida diiwaan gelintu.

nuxurka qodobada ugu muhiimsan heshiiska ay kala saxeexdeen gudida diiwaangelinta Ururada iyo ansixinta axsaabta qaranka oo dhinac ah iyo hogaamiyayaasha Ururada iyo axsaabta tartanku ka dhexeeyo, ayaa tilmaamaya sida ay u kala hadhayaan ururada iyo axsaabtu iyo shuruudaha laga doonayo sadexda xisbi ee loo aqoonsanayo xisbiyo qaran, kuwaas oo lagu tilmaamay qodobkan.  

Qodobka lixaad: Kala reebida Xisbiyada/Ururada ku tartamaya doorashada deegaanka
1. Sadexda Xisbi/urur ee Doorashada Dawladaha hoose ka hela 20% Codadka Gobol kasta ayaa loo
aqoonsanayaa Xisbi Qaran lana siinayaa Shahaadada Aqoonsiga Xisbi
2. Haddii hal Xisbi/Urur oo kali ahi ku guulaysto Doorasahada oo uu ka helo 20% Codadka Gobol kasta
Guddidu waxay u aqoonsanaysaa Xisbi Qaran isaga iyo labada Xisbi ee ku xiga isu
geynta Codadka boqolayda ee Gobol kasta.
3. Haddii ay is leekaato tirade Boqolayda Goboladda ee laba Urur ama ka badan waxa lagu kala saarayaa sida ay u kala bataan tirade Guud ee Codadka.
4. Haddii Ururada Siyaasadeed mid-na gaadhi waayo 20% waxay guddidu u aqoonsanaysaa Xisbiyo Qaran Sadexda Xisbi ee ugu tirade Badan Codadka Doorashooyinka boqolayda Goboladda
Dalka.
5. Tobankii sanadoodba mar baa la abuuri karaa Urur Siyaasadeed si waafaqsan Xeerkan, ahse yeeshee waa in Urur siyaasadeedka la abuuraa lix bilood ka hor maalinta la qabanayo
Doorashada Golayaasha deegaanka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *