Hargeysa(Araweelo News Networ)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay aqoonsiga ay Golaha Degaanka magaalada Sheffield City ee dalka Britain shalay siiyeen Somaliland, kaas oo
ay si buuxda ugu meelmariyeen aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo noqotay mid taariikhi ah oo dadweynuhu si diirran u soo dhaweeyeen.
sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo lagu faafiyay bogga uu Madaxweyne Siilaanyo ku leeyahay internet-ka ee Twitter-ka , taas oo lagu faafiyey xalay, isla markaana waxa fariinta kooban lagu sheegay inay dawlad ahaan soo dhawaynayaan tallaabada Golaha Degaanka Sheffield ku ictiraafay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
“Dawladda Somaliland waxay soo dhawaynaysaa tallaabada geesinimada leh ee Golaha Degaanka Sheffield qaaday. Dadweynaha Somaliland way u qalmaan aqoonsiga,” ayuu lagu yidhi qoraalka kooban ee Madaxweyne Siilaanyo.