ali biikolo1Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Agabka Md. Cali Maxamed Cabdalla (Bikalo) oo magaalada Hargeysa  ugu waramay warbaahinta waxa uu tilmaamay in baadhitaanno iyo dabagal ay sameeyeen

 

ku ogaadeen in alaabo macmal ah dalka la soo geliyey, cidii lagu qabtana ciqaab ay mutaysan doonto.


“Waxaan daba gal ku haynaa oo u kuurgal aannu samaynay ku ogaanay inay jiraan allaabooyin macmal ah oo loo soo eekaysiiyo kuwo hore dalka looga isticmaal jiray oo dadka qaar si dalka u soo galiyaan, mararka qaarna lagu qabto. Aad iyo aad ayaannu runtii arrinkaas hawlgal ugaga jirnaa, waxaanannu jecel nahay inaannu soo qabanno dadka waxyaabaha noocaas ah oo kale ah gacanta kula jira,” ayuu yidhi Cali Biikalo.

 

sidoo kale Guddoomiyue Biikilo ayaa digniin u diray ganacsatada qarsata badeecadaha iyo allaabta waqtigoodu dhacay waxaannu yidhi;“Waxaan aad iyo aad ugu adkaynaya dadka ganacsatada ah ee wax keena, ugana digaynaa inay wixii allaabo dhacay amma xun ee yaala goobahooda ganacsi ay iska diyaariyaan, cidii lagu qabto wax dhacay oo ay meel ku qarinaysay waxay mutaysanaysaa ciqaad, dadka iyagu waxaas sameeya, waxyaabaha macmalka ahna qarsada ee gacantiisa loogu yimaado wuxuu ka dhigan yahay qof musuqmaasuq  iyo foojari ku sameeyey waddanka, waxaanannu marin doona dacwadiisa Xeer-ilaalinta si maxkamad loo horgeeyo.”

Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Md. Cali Maxamed Cabdalla (Cali Biikalo) waxa kale oo uu sheegay in Xeerkii Dhawrista Tayadu haatan horyaalo Golaha Wakiillada Somaliland, dhawaanna la ansixin doono, waxa kale oo Guddoomiyuhu  sheegay in cid kasta oo ummadda u tudhi wayda, isla markaana keenta agab wakhtigoodii dhacay ama Fake ah (been abuur) ay la tiigsan doonaan sharciga oo aanay marnaba ka hadhi doonin, umaddana ka qaban doonaan, sida ugu dhakhso badana ugu gudbin doonaan sharciga dalka si tallaabada ku habboon looga qaado.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *