madaxweyne Silanyo Berbera1Berbera (Araweelo News Network) Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo si lama filaan ah safar aan cidna ku wehelin shalay ku tegey magaalada xeebta ah

ee Berbera, isagoo aan wax ilaalo ah wadan, balse ay weheliso Marwadiisa oo keliya ayaa maanta salaadii Jimacaha kula tukaday Masjidka khaalid Binu Waliid ee magaalada Berbera.

Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Gobolka Saaxil Sh. Saleeban Siciid Cali oo ah khadiibka Masjidka Madaxweynuhu kula tukaday shacbiga ayaa  khudbadii salaada kusoo qaatay cibaadada iyo ducooyinka iyo  roob-dooonta oo uu ku sheegay khudbada fadligeeda.

silanyoberbera2Safarkan madaxwaynaha Somaliland oo noqonaaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ku yimaad magaalada berbera ilaa iminkana lama oga ujeeda rasmiga ah ee la xidhiidho,

Lama ogga ujeedada socdaalka iyo mudada uu qaadanayo, iyadoo safarkiisu ahaa mid aan cidna ka warqabin marka laga reebo shaqsiyaad kooban iyo marwadiisa, balse ay ciidamada amaanka iyo Ilaaladiisu ka daba tageen saacad ka dib markii uu ka baxay shalay gelinkii danbe qasriga Madaxtooyadda.
Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu marar badan safar ku tegey xarunta gobolka Saaxil, balse lama ogga safarka waqtigan inuu yahay mid shaqo iyo inuu la xidhiidho mid shaqsiyadeed oo manjabaxsi ah, balse wuxuu kusoo beegmay, iyadoo uu jiro diyaargarawga shirweynaha Kulmiye oo buuq iyo sawaxan ka taagnaa qabsoomidiisa, balse hadda lasoo gebagebeeyay oo loo cayimay 28 April, 2014., taas oo ku beegan Isniinta Todobaadkan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *