Djibouti(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftigii uu Hoggaaminayay ayaa maanta Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle kulankii ugu horeeyay kula yeeshay xarunta Madaxtooyada ee wadankiisa. Kadib
markii Madaxweynaha Somaliland uu ka helay martiqaad rasmi ah.
Wararka ka imanaya Magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in kulankaasi labada Madaxweyne kaga hadleen ahmiyada ay labada qaran ee DJabuuti iyo Somaliland u leedahay xoojinta xidhiidhka, iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada ummadood ee walaalaha ah. sida ay sheegayaan wararka ku dhow dhow kulanka labada Madaxweyne ayaa sheegaya in kulankaa labada Hoggaamiye isku waafaqeen arrimihii ay ka wada hadleen. Iyadoo wararku intaa ku darayaan inay kulankaa goob joog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan labada wadan ee Somaliland iyo Jabuuti.
Sidoo kale, Marwada Madaxweynaha DJibouti Marwo Khadra Maxamuud Xayd, ayaa iyaduna saaka Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, waxay labaduba kormeer ku soo mareen xarumaha daryeelka Carruurta, oo ay Marwo Khadra Maxamuud Xayd maalgelin ku samayso, isla markaana taageerto horumarinta goobahaa iyo sidii wax loogu qaban lahaa .
Weftigii Madaxweyaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay gaadhay Djibouti ayaa loo sameeyay soodhoweyntii ugu maamuus saraysay ee loo sameeyo hogaamiye Somaliland ah oo booqda Djibouti, halkaas oo ay madaarka kusoo dhoweeyeen madaxweyenaha Dalkaa Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno ka tirsan Golahiisa Xukuumada.
Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa ayaa la filayaa inay maalinta sabtida kusoo laabtaan dalka.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380