Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxaamuud (SIILaanyo) ayaa  safar ugu baxaya   saacadaha soo  socda dalka South Afrika, isagoo ka qaybgelaya munaasibad  lagu xusayo sanad guuradii  boqolaad ee kasoo wareegtay aasaaskii xisbiga

 

ANC (African National Congress) ee dalka Koonfur Afrika oo la aasaasay  1912.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca madaxtooyada oo sheegaya safarka madaxweynaha  Somaliland ku tegayo South Afrika, ujeeda safarkiisa  iyo cida ku wehelisa, balse warar u dhuun doloola qasriga Madaxtoyada ayaa u xaqiijiyay  shebekada Araweelonews inuu Madaxweyne Siilaanyo baxayo saacadaha soo socda, ama maalamaha fooda inagu soo haya, balse xogo kale oo la xidhiidha safarka Madaxweynaha Somaliland ayaa Araweelonews u sheegay inay suurta galtahay inuu  ku beeganayahay safarkiisu maalinta jimcaha.

Madaxweyne Siilaanyo  wuxuu  ka mid noqonayaa boqol kun oo qof oo hogaamiyayaal, dublamaasiyiin,  aqoonyahano  iyo ganacsato caan ah oo lagu marti qaaday munaasibada xuska sideetan guurada xisbiga ka taliya dalka south Afrika ee ANC. kuwaas  oo ka kala imanaya dacalada dunida. iyadoo xogaha warkan la xidhiidhaa sheegayaan in casuumad rasmi ah loo soo diray Madaxweynaha Somaliland, taas oo fursad weyn u noqonaysa Somaliland.

wixii war kasoo kordha safarka Madaxweynaha kala soco shebekada Araweelonews

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *