Paris(ANN) Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin, ayaa daboolka ka qaaday mawqifkiisa la xidhiidha khilaafka ka dhex dillaacay xisbigiisa UDUB. Mr. Rayaale oo isagoo ku sugan magaalada Paris ee xarunta

dalka Faransiiska khadka
telefoonka ugu warramay Jamhuuriya xalay, waxa uu waxba kama jiraan iyo sharci-darro ku tilmaamay kulan aqlabiyadda guddida fulinta ee UDUB ugu aqoonyahanka Jamaal Cali Xuseen inuu noqdo murrashaxa jagada madaxweynaha ee xisbigaas uga qaybgeli doona doorashada madaxtooyada ee soo socota, arrintaas oo sababtay khilaaf culus oo laba dhinac u kala qaybiyey UDUB.
Waraysigaas oo uu Guddoomiyaha UDUB kaga hadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha khilaafka xisbigiisa, qoraal uu ku laalay qabashada tartanka murrashaxiinta jagada madaxweynaha ee xisbiga gudihiisa, waqtiga uu dalka ku soo laabanayo iyo farriimo uu u kala diray waxa uu u dhacay sidan:
Jamhuuriya: Ma jirtaa warqad aad soo qortay oo aad ku leedahay dib haloo dhigo xulashada murrashaxiinta xisbiga UDUB oo doorashada golayaasha degaanka ka bacdi hala kala saaro
Daahir Rayaale: Wallaahi, markaan ogaaday in meesha khilaaf jiro oo aan la isku waafaqsanayn murrashaxnimada warqad baan u soo diray ku-simahayga Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB iyo Ku-simaha Xoghayaha Guud ee UDUB Cabdixalliim Maxamed Muuse, waxaanan ku wargeliyey mar hadii meesha khilaaf yimi xulashada murrashaxnimada dib haloo dhigo oo waxaynu qabsan doonaa doorashada golayaasha degaanka ka bacdi, xisbiga UDUB-na khilaaf uma baahna, waraaqddaana anigaa soo diray, sababtoo ah anigu hebel hala doorto iyo kooxba meel halaga doorto waxaan ka doorbidayey midnimada xisbiga, waxayna ahayd in isu tanaasul la sameeyo oo wax lagu heshiiyo ayey taladaydu tahay, farriintaana anigaa soo diray oo waxaan doonayaa in midnimada xisbiga la ilaaliyo.
Jamhuuriya: Warqaddii aad soo dirtay iyadoo la hayo ayey haddana qayb ka mid ah guddida fulinta ee UDUB doorteen in murrashaxa madaxweynaha uu noqdo Jamaal Cali Xuseen, qolo kale oo Cali Warancadde hoggaaminayana way qaadaceen doorashadaas, khilaafkii xisbiguna cirka ayuu isku shareeray, sideed arrimahaas u aragtaa?
Daahir Rayaale: Waxaas waxba kama soconayaan. Farriinta aad xisbigii UDUB iga gaadhsiinaysaa waxa weeye taladaas dib baa loogu noqonayaa, xisbigii UDUB baa is khilaafayna ma soconayso, taladaasna dib baa loogu noqonayaa; hadduu Jamaal Cal Xuseen tartamayo iyo haddii uu Cali Warancade tartamayo iyo haddii qaar kale imanayaanba dib baa loo geli doonaa, haddii ay koox noqotayna inay sharci tahay uma arko.
Jamhuuriya: Guddida fulintu waxay cod aqlabiyad ah oo tiradoodu tahay 23 xubnood ku doorteen in Jamaal Cali Xuseen uu noqdo murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UDUB, aqlabiyaddaas in la raaco miyaanay sharci ahayn?
Daahir Rayaale: Xisbiga UDUB inuu ismuquuniyo ma aha ee waa in la isu tannaasulo oo wax la isku waafaqo oo xataa hadday koox yar gooni tahay la qanciyo, markaa taladaasi waa mid dib loogu noqon doono.
Jamhuuriya: Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin warqaddii aad u soo qortay ee ahayd in dib loo dhigo doorashada murrashaxiinta xisbiga ayuu qabtay shir golihii dhexe isugu yimaaddeen, murrashax baana lagu doortay, arrintaas ka warran?
Daahir Rayaale: Aad baan uga xumahay in ku-simahaygu arrintaas ku dhaqaaqo anigoo soo gaadhsiiyey farriintaydii ahayd in dib loo dhigo xulashada murrashaxiinta xisbiga UDUB, waxaanad iga gaadhsiisaa farriin ah in arrimahan dhacay aanay waxba ka socon doonin oo xisbigu talo kale ka yeelan doono.
Jamhuuriya: Khilaafka xisbiga UDUB meel xun buu marayaa iminka’ ma laga yaabaa in murankaasi sababo in maxkamad la isla tago, mise qorshe kale ayaad haysaa?
Daahir Rayaale: Ma rajaynayo in UDUB maxkamad isla galo, waxaanan rajaynayaa in aannu ka heshiin doonno khilaafka jira haddii Ilaahay yidhaa.
Jamhuuriya: Adigu goormaad imanaysaa dalka si aad u dhexgasho khilaafka UDUB?
Daahir Rayaale: Anigu bilaha soo socda haddii Illaahay yidhaa waan imanayaa dalka, doorashadana waan ka soo horreynayaa.
Jamhuuriya: Maxaannu kaa gaadhsiinaa taageerayaasha xisbiga UDUB ee ku baraarugay khilaafka xisbigooda ka dhex dillaacay?
Daahir Rayaale: Waxaad iga gaadhsiisaa taageerayaasha UDUB midnimo iyo isku duubni baan idinku ogahay, xisbiga UDUB baa is khilaafayna way innaga reebban tahay, taladaas yar ee innaga murgacatayna waynu kabanaynaa oo dib ayaa looga hadli doonaa, murrashax heshiis lagu yahay baanan insha Allaahu soo saari doonaa.
Xigasho jamhuuriya

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *