Dubai (ANN) – Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw, ayaa saaka laga sii daayey xabsi ku yaal magaalada Dubay oo uu ku xidhnaa muddo gaadhaysa dhawr toddobaad, iyada oo lagu xidhay

 

madaarka magaalada Dubay oo uu degenaa, kadib markii uu ka soo laabtay gudashadda waajibaadka xajka.
Sida ay Shabakadda wararka ee Araweelonews saaka u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii u ololaynayey sii daynta Boqor Cismaan Buurmadaw, waxa subaxnimadii hore ee saaka boqorka laga sii daayayey, iyada oo xoriyadiisa loo soo celiyey, kadib markii wax dambi ah oo maxkamad lagu horgeeyo lagu waayey.
Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin sababta dhabta ah ee keentay xadhigga Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw iyo eedaha loo haystayba, wuxuuna isagoo ku sugan dalka Imaraadka carabta  u sheegay shebekada Araweelonews in lasoo daayay mar hore, isla markaana xaaladiisa  wanaagsanatahay, wuxuuna ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo asbaabaha xadhiga  isagoo yidhi, “hada waaniga kula hadlaya waanuna kala dhamaanay dawladihii aanu is haysanay.”

Boqor Cismaan sii  dayntiisa maanta ayaa  ku soo beegantay xilli ay Somaliland ka soo baxeen baaqyo  lagu cambaaraynayo xadhigiisa, laguna dalbanayo  inay dawlada Imaraadku xoriyadiisa usoo celiso, iyada oo dhinaca kalena ay socdeen dedaalo ay wadeen masuuliyiin ka tirsan dawladdaha dariska iyo shakhsiyaad caan oo u ololaynayey in boqor Cismaan Buurmadaw xoriyadiisa loo soo celiyo.
Wixii war ah ee ka soo kordha soo daynta Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw kala socda Shabakadda wararka ee Araweelonews.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *