IMG_1461Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay mawqifka xukuumaddiisa ee hawlgalka duulaanka ku waajahan Somalia ee ay dalalka jaarka ahi hormoodka ka yihiin. Madaxweyne Siilaanyo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu

 

socdaal qaatay muddo bil ku dhow uu kusoo maray dalalka Ingiriiska, Ethiopia Iyo Djibouti.
Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisii oo ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport Hargeysa waxa madaarka ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Shirgudoonka labada aqal ee Baarlamaanka (Wakiiladda iyo Guurtida), Wasiiro, Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE,Duqa Caasimada ahna kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex iyo Dadweyne kale.

IMG_1480
Madaxweyne  Axmed Maxamed Siilaanyo oo saxaafadda ugu waramayay Qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ayaa ka warbixiyay socdaalkiisii oo iskugu jiray fasax iyo socdaal shaqo, isagoo yidhi, “Farxad weyn ayay ii tahay Aniga iyo weftiga ila socdaba inaanu ku soo laabano dalkii hooyo, waxaanu muddo bil ku dhow dhow aanu tagnay dalalka Itoobiya, Ingiriiska iyo Jabuuti oo aanu saaka ka nimid,dibadaasi aanu u baxnay may ahayn marti qaadyo, manay ahayn casuumado iyo shirar aanu ka qeyb galaynay waxaan ku tagay sifo shakhsi ah oo fasax ah. Wadamadaasi aanu soo marnay oo dhan waxaanu iska arkaynay madax iyo masuuliyiin.”

IMG_1468
“Dalka Ingiriiska waxaanu iska aragnay qaar ka mid ah Wasiirradda iyo Baarlamaanka Ingiriiska. Waxa kale oo aanu Ethiopia kula kulanay Raysal Wasaare Males Zanawi,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Sidoo kale waxa uu sheegay inuu dalka Djibouti kula kulmay shalay madaxweynaha dalkaa, isagoo ka hadlaya arrintaana wuxuu yidhi, “Meeshii aanu tagnaba si aad iyo aad ah ayaa naloogu soo dhaweynayay, waxaana aanu mid walba kala hadlaynay danaha Somaliland, waxaana muuqata in Magac iyo qiimo weyn uu Somaliland u yaalo dibada iyo meelihii aanu tagnay.”

IMG_1627
Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inay dalka Ingiriiska kula kulmeen Jaaliyada Somaliland ee wadankaa  ku dhaqan oo uu tilmaamay inay uga xog warameen xaalada guud ee dalka, wuxuuna mar la weydiiyay arragtida xukuumaddiisa ee duulaanka Somalia, wuxuuna carabka ku dhiftay inay Soomaaliya leedahay xuquuqdeeda qaranimo, Madaxbanaanida Somalia waanu taageeraynaa oo dalkeeda iyo dadkeeda la qabsan oo dhibaato loo geysan, balse dhibaatooyinka ka taagan Somalia ee xalka loo waayay oo waxyeelay  oo wax yeelay dadkii kale iyo dunidii kale nabadgelyadoodii iyo xasiloonidoodii, way ka gaashaamanay dunidii kale markaa waxaan u arragnaa  si aan madaxbanaanidooda wax loo yeelin laakiin dunida kalena xaq u leedahay inay ilaashato dhibaatooyinka kasoo gaadhaya ee ka imanaya iyo argagixisada kaga imanay ee fara gelinta lagu samaynayo in xalkii loo baahnaa loo helo ayaanu u aragnaa.” Ayuu ydihi Madaxweyne Siilaanyo oo ay suxufiyiintu su’aalo kooban weydiiyeen markii uu kasoo degey Madaarka.

IMG_1632Madaxweynuhu waxa uu madaarka salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammadda qaranka, waxa wadada wadnaha ee Madaarka illaa Maxtooyada tubnaa dad aan u badan oo u gacan haadinayay soona dhaweynayay Madaxweynaha.
Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ahaa Marwada koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirradda Madaxtooyada, Arrimaha dibada, Kalluumaysiga, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasada iyo maareeyaha wakaalada Biyaha Hargeysa.

IMG_1657
IMG_1690

IMG_1710

IMG_1676

IMG_1118

IMG_1449

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *