Madaxweyne  Siilaanyo oo  dalka ka maqnaa  mudo Afar todobaad ah. Kadib markii uu dhamadkii Oct 2011, safar uu ujeedadiisa ku macneeyay mid uu dalka Britain ku qaadanayo fasaxiisa Dastuuriga ah kaga maqnaa dalka ayaa  Isniintii 28 Nov, 2011, kusoo  gurya noqday dalka, isagoo

 

booqashadiisa London ee cariga Ingiriiska ka sokow soo maray dalalka Ethiopia iyo Djibouti, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay Madaxda wadamadaa.
Madaxweyne Siilaanyo oo safarkiisa ay ku weheliyeen Marwadiisa  iyo Wasiirkiisa Arrimaha Debeda ayaa ka hor intii aan dalka ka bixin Octoobartii lasoo dhaafay ku sheegay mid aanay ahmiyadiisu ahayn  hawlo shaqo,   balse uu yahay safarkaasi mid fasaxiisa Dastuurku siinayo  ee bisha ah, laakiin wuxuu xusay inay kolayba jirayaan hawlo shaqo iyo kulamo uu la yeelayano masuuliyiinta dalka Britain, Bulshada Somaliland eek u dhaqan halkaa iyo dabcan wadamada uu sii marayo ee Ethiopia Iyo Djibouti.
Inkasta Madaxweyne Siilaanyo sidaa u fasiray socdaalkiisa, hadana waxa durbadiiba soo baxay tibaaxo si hoose usoo baxay oo tilmaamayay ujeedada dhabta ah ee safarka Madaxweynaha oo lagu macneeyay inaanay ahayn nasasho keliya, balse ay ahmiyada ugu weyni tahay sidii uu fursad ugu heli lahaa qiimayn uu ku sameeyo xukuumaddiisa sanadka iyo dhawrka bilood jirtay, isagoo dib u  eegaya  masuuliyiinta Wasaaraddaha iyo Hay’addaha kala duwan ee uu xilka u magcaabay oo aanu intooda baddan aqoon baddan u lahayn, balse uu qiimeeyo mudadaa ay xukuumaddiisu jirtay wasaarad walba iyo Hay’add walba iyo masuulka uu u magcaabay.
Qorshaha Madaxweyne Siilaanyo ee qiimaynta xukuumaddiisa ayaa tibaaxaha laga helay sheegayaan inuu ka danbeeyay. Kadib markii ay dib u dhacday isku shaandhayn weyn oo la filayay inuu sameeyo bishii August  ee 2011, taas uu fursad u waayay inuu si balaadhan u naaqisho masuuliyiinta xukuumadda ee uu xilalka kala duwan u magcaabay oo marka ay maqlaan xoggaha iyo tibaaxaha la xidhiidha arrimahaa mashquuliya xafiiska Madaxweyna iyo madaxtooyada, ama sameeya dhaqdhaaqyo hoose oo kaanbayn ah, kuwaas oo qalindaara qorshaha iyo ujeedada Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana ku khasbay inuu foodsaaro ka dhigto fasaxa uu qaatay ee maraya 27 caanamaal, kaas oo intiisa baddan uu ku joogay London, isagoo sida ay tibaaxaha kasoo baxay sheegayaan inuu Madaxweyne Siilaanyo si fiican u qiimeeyay qorshe siyaasadeedka xukuumaddiisa mudadaa sanandka iyo dhawrka bilood ah. Sidoo kalena uu qiimayn buuxda ku sameeyay masuuliyiinta xukuumaddisa , isagoo dhinaca kalena diirada saaray qorshayaasha siyaasada Arrimaha debeda, dhinacyada dhaqaallaha, nabadgelyada  iyo mashaariicda horumarka. Kadibna uu diyaarsaday qorshe iyo istiraatiijiyad cusub oo sadexda sanandood iyo dheeraadka u hadhay uu doonayo inuu ku maamulo dalka. sidoo kale waxay tibaaxa iyo xoggaha la xidhiidha  socdaalka dhamaadka fasaxa Madaxweynaha inuu jiro qorshe si dhab ah uu ugu sameeyay xukuumadiisa mudadii uu joogay London oo hada uu jeebka ku sito, kaas oo galaafan doona masuuliyiin baddan oo ka tirsan xukuumadda.

Tibaaxaha  shebekada Araweelonews ka heshay qorshaha cusub ee Madaxweyne Siilaanyo  ayaa ishaaraya in isku shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo waqtigan soo qorshayeey  ay tahay mid ka dhalatay kadib markii  uu garwaaqsaday habacsanaan ka muuqata xukuumaddiisa oo lagu tilmaamo mid aan isla jaanqaadin mudadii ay jirtay ee sannadka  iyo dhawrka bilood ahayd, isla markaana uu jiro tartan dhinaca doorashooyinka golayaasha deegaanka oo ay ku tartamayaan sadexdii xisbi ee hore u jiray iyo ururada cusub ee aan wli is diiwaan gelin balse qaar baddan magacyadooda lagu dhawaaqay. Sidaa awgeed  qorshihiisa  cusub ee uu jeebka ku sito ayaa la saadaalinayaa in  aanu  ka danabynnayn saacadaha iyo maalmaha fooda inagu soo haya, marka uu dalka kusoo laabto.
Ma jirto cid si dhab ah u og qorshaha Madaxweyne Siilaanyo jeebka ku sito iyo masuuliyiinta uu xilka ka qaadayo , ama meelaha uu isbedelka ku samaynayo xukuumaddiisa,  isla markaana suxufiyiinta oo doonayay inay arrimahaa iyo kuwo kale su’aalo ka weydiiyaan ayaan fursad u helin kadib markii Afhayeenka madaxtooyadu inqilaabay weriyayaasha doonayay inay su’aalo la tiigsadaan Madaxweynaha markii uu  Isniintii 28 Nov, 2011, kasoo degey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa. Hase yeeshee  waxa keliya oo  jira inay tibaaxaha iyo xoggaha hordhaca ahi sheegayaan inay suurta gal tahay inuu qorshahani saameeyo  wasaaraddaha  Gaashaandhiga , kaluumaysiga, Xanaanada  Xoolaha, Arrimaha Debeda, Boosaha , Maallyadda, Qorshaynta  Qaranka, Ganacsiga , Waxbarashada , Duulista iyo Gaadiidka Hawada, warfaafinta,   Qoyska,  Hawlaha Guud, Caafimaadka iyo Cadaaladda iyo  Warfaafinta ayaa la filayaa inay saamayn ku yeelato isku shaandhaynta cusub ee Madaxweyne Siilaanyo ku sito jeebka, iyadoo masuuliyiinta  qaarkood waayi karaan xilalkooda, isla markaana waxa  suurta gal ah in xubno cusub kusoo biiraan liiska golaha wasiiradda ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. 
Sidoo kale waxa la filayaa in Haya’ddaha kale ee dawladda qaarkood iyo saraakiisha Agaasimayaasha  guud ee wasaaraddaha qaarkood la raaciyo isku shaandhayntaa oo noqonay sida ay sheegayaan tibaaxahaasi tii ugu balaadhnayd ee uu sameeyo  Madaxweyne Siilaanyo mudadii sanadka iyo dhawra bilood  ahayd ee xukuumaddiisu jirtay.  Laakiin waxa  jira xoggo iyaguna sheegaya inay suurta gal tahay in Madaxweyne Siilaanyo isku dhaandhayntiisa la sugo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la filayo inay April 2012 ka qabsoomaan dalka, balse   xaqiiqda  waxa la ogaan doona saacadaha  iyo maalmaha soo socda iyo halka uu sal dhigo qorshaha Madaxweyne Siilaanyo jeebka ku sito.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *