Muqdisho(ANN)Xarakada Al-shabaab ayaa gebi ahaanba la wareegtay xafiiskii Hay’adda UNICEF ee qaramada midoobay  ku lahayd goblka Bay, isla markaana ku amartay inay guryohooda joogaan shaqaalihii xafiiskaa ka shaqaynayay. Kadib markii ay xarakada Al-shabaab maanta soo saartay amar shaqada

 

lagaga joojinayo in ka baddan 16 Hay’adood oo qaramada midoobay, kuwa caalamiga iyo kuwo Soomaaliyi leedahay.

Hey’addaha Qaramada Midoobay ka tirsan sida WHO, UNHCR iyo UNICEF, WFP iyo kuwo kale ayay gebi ahaanba ku amreen xarakada  Al -Shabaab inay xidhaan xafiisyada ay ku lahaayeen deegaanada  ay maamusho, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay ka shaqeeyaan wax aan ahayn shaqada ay dalka ku yimaadeen oo aan dan u ahayn dalka iyo dadka.
Talaabada Xarakada Al-shabaab uga joojisay deegaanada ay ka taliyaan ee gobolada Somalia oo ay inta baddan gacanta ku hayaan iyagu ayaa lagu macneeyay mid hordhac u ah diyaar garaw ay doonayaan inay iskaga caabiyaan weerarada iyo duulaanka ku jihaysan ee Ciidamada  dalalka Kenya  iyo Ethiopia, kuwaas oo jihooyinka Woqooyi iyo Koonfur doonaya inay duulaamo culus kaga qaadaan Al-shabaab, iyadoo ciidamada Kenya bishii hore ee Oct 2011, soo galeen gudaha Somalia oo xiligan uu socdo dagaal u dhexeeya ciidamadooda iyo Al-shaabab, isla markaana ciidamo ka tirsan Ethiopia ay todobaadyadii lasoo dhaafay galeen gudaha Somalia, gaar ahaan deegaanka Gur Ceel oo ay saldhig ka samaysteen, kuwaas oo sida wararka dublamaasiyaadeed sheegayaan qorshayna inay weeraro ku qaadaan deegaamada ay ka taliyaan xarakada Al-shabaab.
Al Shabaab ayaa mudooyinkii u danbeeyay baneeyay fadhiismo baddan oo ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, taas oo ay inta baddan iyagu gacanta ku hayeen, waxayna hada  maamushaa Al-shabaab gobollo badan oo ay ka mid yihiin kuwa Soomaaliya ugu dadka badan sida Shabeellada Hoose, jubooyinka  iyo Baay, kuwaas oo ay ku sugan yihiin dad badan abaartu wax yeeshay, isla markaana xiligan cabsi weyn ka qaba weeraro loo geysto, iyadoo duqaymaha diyaaradaha ee Kenya iyo Maraykanku ee ka socda halkaa ay maalin walba dhibaatooyin iyo waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba u geystaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *