Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay doorashada Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo shalay Baarlamaanka Dalka Somalia doorteen. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka

 

Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul,qoraalka oo ahaa mid kooban ayaa u dhignaa sidan:- “Marka hore Aniga oo ku hadlaya magaca qaranka Somaliland, waxaan doonayaa in aan halkan ugu hambalyeeyo Madaxweynaha cusub ee xalay baarlamaanka dalka Soomaaliya ay ku doorteen Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya afarta Sanno ee soo socda. Waxa kaloo aan hambalyaynayaa Madxweynihii hore ee Ku meel-gaadhka ahaa Mudane, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo aqbalay natiijadii ka soo baxday Doorashadaasi. Xukuumadda iyo shacabka Somaliland waxaa uu muddo dheer ka damqanayay dhibaatadii ma-hadhiwaaga ahayd ee haysatay dalka iyo dadka soomaaliya. Doorashadan haatan waxaanu, qaran ahaan u aragnaa in ay tahay fursad ay ka abuurmi karto deganaansho iyo nidaam maamul dawladeed oo dalkaasi gaadhsiin kara doorasho dadweynaha dalkaasi ay si toos ah u soo doortaan madaxweynahooda sida Somaliland ay ku dhaqanto oo kale. Mudane, Madaxweyne waxa ay Dawlada iyo Shacbiga Somaliland ay ku rajaynayaan in illaahay xilkaaga ku fudaydiyo, isla markaana aynu noqono laba dawladood oo ka wada shaqeeya maslaxada, iyo Nabadgelyada Mandaqada aynu ku nool nahay.” ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxtooyada oo aan lagu xusin inuu yahay Madaxweynaha ka hadlaya ee uu qoraalku ka turjumayo, balse u muuqda mid afhayeenku ku hadlayo.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *