Hargeysa (ANN) Haweenay Guddoomiye ku xigeenka Labaad  ka ahayd ee urur-siyaasadeedka NASIYE,  Marwo Farduus Siciid Dirir ayaa sheegtay inay iska casishay xilkii iyo xubinnimadii urur siyaasadeedka  NASIYE  maanta.Marwo Farduus Siciid Dirir oo ka mid ahayd aasaasayaashii

urur-siyaasadeedka NASIYE, waxay sidaa  ku sheegtay War-saxaafadeed kooban oo ay maanta soo gaadhsiisay Warbaahinta, kaas oo aanay si cad ugu sheegin sababta ay isu casishay, ayaa nuxur ahaan u  dhignaa sidan:
“Waxaan maanta oo ay Taariikhdu tahay September 11, 2012, jecelahay inaan u caddeeyo dhammaan bulsho-weynta Somaliland iyo taageerayaasha urur-siyaasadeedka NASIYE, inaan iska casilay xilkii iyo xubinnimadii ururkaas labadaba. Aniga oo tixgelinaya duruufaha wakhtigan jira, ma jecli inaan iminka ka hadlo sababaha igu kellifay iyo xaaladaha soo deddejiyay is-casilaaddayda midna. Waxaan ballan-qaadayaa inaan qodobbadaas faahfaahin ka bixin doono marka ay habboonaato ee ay suurtogal u muuqato iyo amminteeda. Waxaan u mahadnaqayaa xubnihii urur-siyaasadeedka NASIYE iyo taageerayaashii aannu soo wada-shaqaynnay, tan iyo maalintii la aasaasay urur-siyaasadeedkan. Allaa Mahad leh” ayaa lagu soo gebagebeeyay  War-saxaafadeedkan.
Is-casilaadda Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee ururka NASIYE ayaa ku soo beegmaysa xilli uu maalmo ka hor is-casilay Guddoomiye-ku-xigeenkii 3aad ee ururkaas,   Cabdiqaaddir Maxamed Indho-Indho oo ka mid ah  golaha  guurtida Somaliland.  
Araweelonews Mobile
Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *