Hargeysa(ANN) Askarta Ilaalada  Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa garaacay Agaasimaha Gaadiidka madaxtooyada Somaliland Abashir  Saxardiid Xaashi waxyar ka hor intii aanay Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisu ka dhoofin maanta madaarka caalamiga ah ee

magaalada Hargeysa.
Dada goob jooga ah ayaa shebekada wararka ee Araweelonews u sheegay  in falkaa lagu garaacay agaasimaha gaadiidka Madaxtooyadu ka dhacay  baraxada hore ee madaarka oo  gaadiidka la dhigo, iyadoo xiligaa ay madaarka ka dhoofayeen wefdiga madaxweynaha oo lasii sagootiyay. Lama garanayo sababta keentay  inay Ilaalada Taliyaha ciidanka qaranka Gen. Maxamed Xasan C/llaahi (Jidhif) , garaacaan Agaasimiha gaadiidka Madaxtooyada, balse xogo iyo tibaaxo la xidhiidha falkaa ayaa u sheegay Araweelonews inuu Mr. Abshir doonayay inuu  magaalada kusoo laabto. Kahor inta aanay diyaarada wefdigu ka kicin madaarka, wuxuuna doonayay  inuu usoo qaado Wasiirka Arrimaha gudaha oo ilaabay  Baasaboorkiisa, isla markaana  Agaasmiha gaadiidka madaxtooyada Abshir Saxardiid  isku deyay inuu kaxaysto gaadhiga Taliyaha ciidanka qaranka oo markaa taagnaa debeda, maadaama gaadiidkii kale ee masuuliyiinta dawladu ku jiereen gudaha madaarka.
Hase yeeshee sida ay sheegeen tibaaxahaa la xidhiidha dhacdadaa iyo qaar ka mid ah dadkii goobjooga ahaa, ilaalada Gen. Jidhif, ayaa diiday inuu Agaasimaha gaadiidka ee Madaxtooyadu kaxaysto gaadhiga taliyaha,  taas oo la yaab ku noqotay,  kuwaas oo garaacay markii ay is afdhaafeen Agaasimaha. Waxaana markii danbe xaalada dejiyay masuuliyiinta xukumuudda qaarkood oo goobta yimi. Iyadoo ay agaasimaha soo gaadheen nabaro iyo jugo kasoo gaadhay garaacista ay ku sameeyeen askarta ilaalada Taliyaha Ciidanka Qaranka. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *