Xasan SheekhMuqdisho(Araweelo News Network)Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay dareenkiisa xuska munaasibada qaranimada Somaliland  ee loo dabaal-degey

shalay sanad guuradii 22aad ee kasoo wareegtay 22 sanadood ka dib 18 May 1991,  markii ay shacbiga Somaliland dib ula soo noqdeen qaranimadii luntay   midawgii Somalia 1960.

 

Madaxweynaha dawlada Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu gooni isu taaga Somaliland iyo xuska munaasibada 18 May ee shacbiga Somaliland gudo iyo debedba uga dabaal-degeen ku micneeyay caadifad ka dhalatay dhibaatadii ka dhacday Somalia.

Madaxweynaha Somalia, waxa uu sidaa ka sheegay hadal uu ka jeediyay furitaanka xarun  waxbarasho oo dawlada Turkigu ka hirgelisay  magaalada Muqdisho, wuxuu si cad u sheegay  in dowladdiisu ay ka shaqayn doonto midnimada Soomaaliya,  wuxuuna  isaga oo baaq uu kaga dareen celinayo xuska munaasibada  maalintii ay Somaliland qaranimadeeda dib ula soo noqotay yidhi,  “dadkaa Walaaleheen Woqooyiga (Somaliland)  waxaan ugu  baaqaynaa inay tahay xilligii laga soo noqon lahaa caadifaddii iyo dhibaatadii dhacday ee loo jeesan lahaa midnimo Soomaaliyeed” ayuu yidhi Xasan Sheekh si quudhsi ah ugu tilmaamaya qaranimada shacbiga Somaliland iyo xuska sanadguurada loo dabaal-degayay wax ka dhashay caadifad.
Dhawaaqa Madaxweynaha Somalia ayaa u muuqda mid uu qaab quudhsi ah uga dareen celiyay dabaal-degyada xuska sanad guurada 22aad ee kasoo wareegtay kadib markii ay Somaliland dib ula soo noqtay Qaranimadeeda, iyadoo sanad walba la xuso munaasibada qaranimada  maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, balse xuskan ayaa si weyn uga duwanaa kuwii hore loo qaban jiray.

Weedhaha Madaxweynaha Somalia kaga dareen celiyay munaasibada 18 May ee xuska maalinta  qaranimada Somaliland ayaa kusoo iyadoo ay xukuumaddaha Somaliland iyo Somalia dhowaan dalka Turkiga ku yeesheen kulamo wadahadalo ku saabsan mustaqbalka labada dhinac ee siyaasadeed, waxaana qodobada heshiiskaa Ankara iyo kuwii ka horeeyayba lagu xusay in layska ilaaliyo wixii dhawaaq ama ficil ah ee wax u dhimaya inay sii socdaan wadahaladu, balse dhawaaqa quudhsiga ah ee madaxweynaha Somalia oo ka hor imanaya qodob ka mid ah heshiiskaa, isla markaana gef iyo meel ka dhac ku ah sharafta iyo karaamada Shacbiga Somaliland iyo qaranimadooda.

Xukuumadda Somaliland  ayan  weli wax jawaab ah ka bixin dhawaaqa gefka iyo quudhsiga ah ee Madaxweynaha Somalia kaga dareen celiyay xuska dabaal dega qaranimada Somaliland.

E-mail Jaamac132@gamil.com
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *