degan xusuusta xasuuqiiHareysa(Arraweelo News) Magaalooyinka Waaweyn iyo deegaamada dalka oo dhan ayaa laga xusay xuska  sanad guuradda 22aad ee munaasibada 18 May oo ah maalin si weyn u xushay quluubta

 

iyo  dhiiga Bulshada Somaliland.

20130518_101242-1
Diyaar garaw soo socday dhawr todobaad kadib ayaa sababay dabaaldegyo iyo damaashaad ilaa xalay ka socday Magaalooyinka waaweyn gaar ahaan Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Burco, Boorama, Ceergaabo. Laascaanood iyo deegaamo kale.

Magaalada Hargeysa  kooxo dhalinayaro ah ayaa sii bilaabay damaashaadka munaasibadaa 18 May oo ay sugayeen tan iyo markii ay xukuumadda Somaliland iclaamisay bilk a hor in xuska munaasibadaa la weynayn doono, iyadoo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u saartay gudi qaban qaabo.

Saaka subaxnimadii hore ayaa shaaracyada iyo wadooyinka waaweyn oo laga xayiray gaadiidka ilaa duhurnimadii maanta waxa soo buuxiyay kumaan qof oo lulaya astaan, halka wiilasha dhalinyarada qaar badan oo ka mid ahi jidhkooda ku xardheen astaanta qaranka ee Calanka Jamhuuriyadda  Somalialnd eel aba iyo labaatan jirsatay.

Nimco degan
Kumanaan kale oo ka mid ah Bulshada ayaa sitay Boodhadh  iyo Istiikaro ay ku qoran yihiin Halku dhegyo  ay ku muujinayaan dareenkooda iyo shucuurtooda iyo sida ay ugu han weyn yihiin xuska maamilntan iyo jiritaanka qaranimidooda. Iyadoo wejiyadooda laga dareemayo farxada iyo damaashaadka munaasibadaa.

Ciidamada amaanka ayaa si weyn u ilaalinayay hawlaha amaanka, kuwaas oo heegan la geliyay 48-kii saacadood ee u danbeeyay si loo sugo amaanka qaranka Somaliland oo dunidu ku tilmaanto goob nabdoon oo ku taala badweyn colaado iyo siyaasado cadaw badan.

Waxaana ciidmada kala duwan ee qaranka, wasaaraddaha  iyo ha’yaddaha qaranka intooda badani socod ku mareen wadooyinka waaweyn ee caasimada oo si weyn loo qurxiyay dhawr kilmotir oo wadada wadnaha ee Madaxtooyadda hor marta, taas oo hawsheedu socotay dhawrkii maalmood ee u danbeeyay, isla markaana la dhigay Laami cusub.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dadka u jeediyay khudbad dheer oo uu kaga waramay marxaladihii ay soo martay Somaliland tan iyo markii ay gobonimadeeda ka qaadatay Mustacmaradii Boqortooyadii Britain 1960, balse ay la midawday Koonfurtii Somalia ee Talyaanigu gumaystay.

Dhalinyaro isku xardhay Calanka Somaliland xuska 22 guurada 18 May
Hase yeeshee dhibaatooyinkii ka dhashay midawgaa oo ay shacbiga Somaliland kala kulmeen  nidaamkii Milateriga ahaa ee dawladii Somalia lasoo noqdeen xoriyaddoodii   18 May 1991. Kadib halgan dheer oo naf iyo maalba loo huray, taas oo ah sababta maalintan loo xusayo.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu qudbadiisa kusoo qaaday waxyaabo badan oo uu kaga hgadlay mawqifka Somaliland eek u waajahan qarimadeeda, waxyaabaha ay qabsatay iyo taageerada ay uga baahantahay mujtamaca aduunka.

Dhinaca kale magaalooyinka Somaliland ayaa si weyn looga xusay munaasibada xuska 18 May, waxaana dadweynaha kala qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Kumanaan u badan Haween iyo dhalinyaro  ku lebisan  Calanka Somaliland ee tawxiidku ku xardhan yahay, iyadoo munaasabada xuska ee maanta ka qabsoontay magaalada Burco ay ahayd mid ka duwan xusaskii hore,  marka loo eego qaabka loo agaasimay oo ahaa mid  aad u balaadhan oo ay si weyen uga dhex muuqdeen ciidamada kala duwan ee qalbka sida Boooliska, Ciidanka qaranka, Asluubta, kooxda Baamboyda, Ardayda Dugsiyada iyo shacbi weynaha kala duwan ee magaalada Burco, kuwaas  oo socod kusoo maray wadooyinka waaweyn ee Magaalada Burco.

Sidoo kale Magaalooyinka Boorama, Ceergaabo, Laascaanood iyo Deegaamada kale ayaa si weyn looga xusay, iyadoo Magaalada Boorama si weyn uga duwanayd marka loo eego xusaskii hore ee munaasibadan, isla markaana uu ka muuqday abaabul si weyn ay shacbiga Boorama ugu waajaheen farxad iyo damaashaad sanad guurada 22aad ee xuska  18 May oo ah maalinta ay Somaliland qaranimadeeda lasoo noqotay 22 sano ka hor.

xuska 18 may1
Xuska munaasibada 18 May ayaa weli ay ka socdaan dalka dabaaldegyo ku waajahan munaasibadaa, iyadoo ay gebi ahaan ku dhamaadeen maanta si nabadgelyo ah, marka laga reebo qof gaadhi watay oo saaka wadada Togdheer ee Hargeysa ay Ciidamada amaanku rasaas ku fureen. Kadib markii ay ka shakiyeen ee sida laga soo xigtay Booliska uu istaagi waayay gaadhigaa oo jiidhay ciidanka heeganka ku jiray ee wadada taagnaa, taas oo sababtay in dhaawac soo gaadho dareewalkii watay gaadhiga.

Dhinaca kale waxa  caawa qasriga Madaxtooyadda lagu qabtay xuska Munaasibadaa oo damaashaadkeedu weli socdo, iyadoo munaasibadahaa oo kale iyo dabaaldegyo la mid ah kuwaa ay ka dhaceen dalalka debeda oo jahliyadaha Somaliland si weyn ugu damaashaadeen.

Si kastaba ha ahaatee xuska munaasibada sanad guurada 22aad ee 18 May waxa ay ahayd mid si weyn loo qiimeeyay sanadkan, waxayna kusoo beegantay xili  ay 22 sano ka dib Somaliland wadahadal la gashay dawlada laga dhisay Somalia, isla markaana ka qaybgashay markii ugu horaysay tan markii ay ku dhawaaqday inay lasoo noqotay gobonimadeeda 1991 inay madal isku soo horfadhiistaan madaxda dawlada Somalia ee waqtigan oo aan waxba ka duwanayn madaxdii ay beesha caalamku hore ugu guuldaraystay ee loo samayn jiray Somalia , kuwaas oo aan cago adag ku taagnayn, isla markaana ciidamada AMISOM dalad u yihiin.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *