maxkamadda hargeysa1
Hargeysa(Araweelo News Network)Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa soo saartay qoraal lagu muddeeyey dhegaysiga dacwadda loo haysto Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Guud ee wargeyska xayiran

 

ee Haatuf – Mr. Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige.

Garyaqaan  Jamaal Axmed Maxamed (Cago-weyne) oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa qoraal baafin ah oo uu soo saaray ku sheegay in dhegaysiga dacwadda wargeyska Haatuf la gudo-geli doono 4 May 2014 oo ku beegan Axadda toddobaadka dambe, iyadoo masuuliyiinta wargeyskooda la xayiray lagu amray inay ka qaybgalaan dhegaysiga dacwadda ciqaabta ah ee loo haysto.

“Dhibbane: Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhibbaneyaal

Eedeysaneyaal 1 – Yuusuf Cabdi Gaboobe (Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf)

2 – Axmed Cali Cige (Tifaftiraha Wargeyska Haatuf)

Ku eedaysan qoddobadda 287, 215, 328, 269 (2), 451 (3), 45, 44 71 XCG.

Ujeeddo: Baafin Eedaysaneyaal

Maxkamadda Gobolka Hargeysa, iyada oo tixraacaysa gal-dacwadeedka summaddiisu sare ku xusan yahay ee ka dhexeeyay labada dhinac ee sare ku xusan, waxay u muddaysay maxkamaddu maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay 04/05/2014, markay saacaddu tahay 9:00 subaxnimo. Waxa la amrayaa eedaysaneyaasha inay ka soo qaybgalaan dacwadda ciqaabta ah ee summadeedu sare ku xusan tahay.

Sidaa darteed, waxa la farayaa eedaysaneyaasha inay dhawraan waqtiga iyo saacadda loo qabtay,” ayuu garsoore Caga-weyne ku yidhi qoraalkiisa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *