Nairobi(ANN)Ururka Xisbul Islaam oo hore ugu biiray xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia, ayaa sheegay inay ka baxeen midawgii ay hore ula galeen kooxdaa.   Maxamed Macalin oo aan sheegin halka uu joogo ayaa sheegay in arintaas lagu cadeeyey bayaan lix qodob ka kooban

 

oo uu soo saaray xisbigiisa ka dib wada tashi ay la sameeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada, sida waxgaradka, dhalinyarada, culimada iyo qeybaha kale ee bulshada.

Madaxii warfaafinta ururka xisbul Islaam Maxamed Macalin ayaa sheegay in qodobada ku xusan bayaanka ay soo saareen uu sidan u qoran yahay:-

1-Hadaan nahay Al-shabaab waxaan dib uga baxnay isku biiridii aan Al-shabaab ku biirnay ee la doonayey in wax lagu xaliyo hase ahaatee ay wax ku xalismi waayeen.
2-Waxaan cadeynaynaa inaanan ka mid aheyn kuna manhaj iyo maamul iyo siyaasad aheyn Al-Shabaab laga bilaabo maanta, aana nahay urur islaami ah oo madax banaan.
3-Xisbigu waxa uu qaatay siyaasad ku saabsan wada xaajood uu la galayo cid kadsta oo wada danta iyo maslaxada umada Soomaaliyed.
4-Xisbigu waxaa uu dedaal dheer u galayaa in la soo celiyo midnimadii umadda Soomaaliyed.
5-Wuxuu aaminsan yahay xisbigu in dalka lagu maamulo shareecada Islaamka.
5-Waxaa xisbigu uu aaminsan yahay in ciidamada shisheeye ay dalka ku joogaan si sharci daro ah oo gumeysi.

“Mudoo dheer ayey arintaan soo socotay wada tashiyo badana waa lagala sameeyey gaar ahaan waxgaradkii iyo qeybaha bulshada, waxaana noo muuqatay isbedel siyaasadeed inuu jiro, waxaa noo muuqatay inxiraaf (bedelaad diineed) iney jirto, xaaladii dalkana ay sii murgeyso arimahaas ayaa keenay inaan go’aankan qaadano” ayuu yidhi Madaxii warfaafinta ururka xisbul Islaam Maxamed Macalin.

Sidoo kale sarkaalkaa sheegtay  Madaxii warfaafinta ururka xisbul Islaam Maxamed Macalin ayaa sheegay in ay wada hadal la galayaan cid kasta oo u arkaan iney wado maslaxada umada Soomaaliyed, ajnabina aan u shaqeyneynin mar haddii buu yidhi ay meesha kaa baxeen waxa uu ugu yeedhay kooxdii fashilka ku keentay jihaadka Somalia oo uu ula jeeday madaxweynihii xilka ka degay ee Somalia Shariif Shiikh Axmed iyo xubnihii ka tirsanaa maxaakimta ee ku biiray dowlada Somalia, taas oo loo fasirtay inay ku biirayaan dawlada cusub ee Somalia.

Idaacada BBC-da ee Soomaaliga oo uu ka xaqiiyay inay bayaankaa soo saareen mar  ay wax ka  weydiisay  cida wax ka og bayaankan ay soo saareen, wuxuu sheegay   in aanu  cid gaar ah magac dhabeyn hase ahaatee ay si buuxda ula socdaan dhamaanna xubnaha iyo hogaanka ururka xisbul Islaam ee kal hore ku biiray xoogaga Al-shabaab, wuxuuna xusay in Al-shabaab ay markii horeba ugu biireen markii sidaas lagu qasbay anagoo ka carareyna ayuu yidhi dhiig daata.

Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya inaan mawqifka noocaa ah aanay u dhamayn Ururkaasi, balse ay qorshahan wadato koox yar oo doonaysa inay dawlada cusub la galaan wada-hadal si ay saami iyo mansabyo uga helaan dawlada madaxweynaha cusub ee dhowaan loo doortay Somalia. sidoo kale ma cada in dhawaaqa sarkaalka sheegtay inuu ka tirsanyahay Xisbul Islaam ku weheliyo hogaamiyihii ururkaa Sh. Xasan Daahir Aways oo hore Ururkiisu ula midoobay Al-shabaab, balse ay jireen marar ay soo baxeen warar sheegaya inuu khilaa soo dhexgalay, iyadoo  aan Sh. Daahir Aways dhawaaqiisa la maqal tan iyo markii la doortay dawlada ay hogaamiyaan islaax ee Somalia.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *