M I W HadraawiHargeysa(Araweelo News Network)Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa markii u horraysay shaaca ka qaaday arrin uu aaminsan yahay inay adhaxda ka jabisay himiladii iyo higsigii dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland tan iyo xiligii

 

ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Midawday ee Britain 26 Jun 1960-kii.

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo xog-waraysi dheer siiyey barnaamijka Xusuus-reeb ee Telefishanka HCTV oo uu daadihiyo suxufiga ruug-caddaaga ah ee Ducaale, waxa uu tilmaamay in ictiraafka dawlad iyo dadweyne dunida laga sugayo noqday shay adhaxda ka jabiyey Somaliland, una diiday inay wax horumar iyo waxqabad ah sameeyaan, isagoo xusay in ictiraafku yimaado marka dadku waxqabsadaan, si iskoodna ahna u shaqaysataan, kana faa’iidaystaan awoodda iyo khayraadka Illaahay siiyey.

“Dadku wax bay qorshaystaan oo ragganimo ayaa la isku dayaa si la isku taago, laakiin waxa Somaliland adhaxda ka jabiyey ictiraafka dunnida laga sugayo oo ah horta ha lagu aqoonsado, waxa ummadda awoodoodii baabi’iyey waa ha lagu aqoonsado (oo awoodoodii wax kulama soo baxayaan), aqoonsiguna wuxuu yimaadaa marka aad adigu marka hore wax la timaado, laakiin marka uu yidhaahdo waan iska fadhiyayaa ee ha la i aqoonsado (waa dhibaato weyn),” ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

Waxa kaloo abwaanku sheegay in dawladda Somaliland aanay waxba iskala hagran sidii waxqabad loo muujin lahaa, balse waxa fadhiidnimada ka dhigay yahay fikir la aaminay oo ah in aanay waxba noqon karin, meelna gaadhi doonin ilaa la aqoonsado, waxaannu yidhi; “Madaxtooyo ayeynu leenahay oo halkan ka jirta, beenna sheegi maayee dedaal wuu jiraa oo intaas waxba lala hadhi maayo, laakiin waxa maqan oo sabab u ah in Jamhuuriyadda Somaliland fadhiid noqoto waa aqoonsi ay qalbiga gashadeen in ilaa la aqoonsado aanay waxba noqon karin, waxaanna aqoonsi la helaa marka qofku ama dalku wax la yimaad oo uu yidhaah waxan ayaan qabsadaye wax noogu dara, laakiin ilaa la i aqoonsado halkaas ayaan fadhiyayaa wax fiican maaha.”

Abwaanka ayaa sidoo kale iftiimiyey in talladu markasta ku ururto hadba tobanka qof ee dawladda jirta madaxda ka ah, isla markaana aan waxba laga waydiin tallada dalka ummadda iyo dadweynaha kale ee reer Somaliland, isagoo yidhi; “Waxay ahayd dawladnimo haddii ay gacantooda soo gashay inay wax ka dhigaan, laakiin aqoon ayaan jirin, dadka reer Somaliland wax qaali ah oo ay in badan hibanayeen ayey gacanta ku dhigeen, laakiin garashadii ma jirto, aqoontii maamulka dawladnimo kama jiro Somaliland, waxaanan leeyahay dawladnimo waa shay culus oo waajibkeedu culus yahay, una baahan garasho, aqoon, siyaasad iyo samir, laakiin maaha in marba tobanka meesha haysta (xukunka Somaliland gacanta ku haya) ku ururto tallodu oo dadka kale xaabbada iska noqdaan (waxba aan tallada laga weydiin). Bal aan xadka ka baxo oo gardaroodee may ahayn in talladu kolba tobanka xukunka haya gacantooda ku ururto, waxayna ahayd inay noqoto Jamhuuriyad si wada jir ah loo maamulo oo cid waliba kaalin leedahay, sharci iyo xeerna leh, cid walibana meel ka soo gasho oo wax la wada leeyahay ay noqoto.”

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame, ayaa sidoo kale sheegay in dawladnimadu tahay wax halis ah in si fudud lagu dhiso, waxaannu yidhi; “Dawladnimadu waa wax hallis ah, ummaddan maanta joogta ee gooni-isu-taaga Somaliland dooratay aqoontii dawladnimo lagu maamuli lahaa ma laha oo ma jirto. Dawladnimadu shuruudo adag ayey leedahay, mushkilada qudha ee dalka haysataana waa jibbo oo jibbaddii la bilaabay markii la goostay in Somaliland madaxbannaannaato ayaa weli lagu jiraa, waana mid ka daran markii la lahaa Xamar ha lagu biiro 1960-kii, noloshuna jibbo iyo caadifad maaha, waxayna ahayd markii hore in aanay Xamar iyo midawga ku degdegin ee ay heshiis la galaan oo yidhaahdaan maxaa inoo dhex ah, ilayn waa laba dawladood oo midoobaye, laakiin haddiyad la iska sido waa wax gabi ahaanba xun, markii dalka la xorreeyey ee Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanidana wacdarro ayaa dhacay oo jibbo ayaa bilaabantay, dadkuna saddex maalmood ayey hurdeen oo aanay toosinba markii dawladnimada Somaliland lagu dhawaaqay, kadib markii ay arkeen oo ogaadeen in dawladoodii iyo woxoogii ay gacanta ku haystaan.

Maanta ummaddan Somaliland iyadaa dalkeeda leh, cid ku wehelisaana ma jirto, laakiin tallo ayey u baahan tahay, waxbana la iska hagran maayee aqoon ayaan jirin. Si dawladnimo loo maamulo ayaan jirin, waanna ummad iska kacaa-ku-faysa oo aan dhaqaale haysan, haddii aannu aqoonsi jirin, dalkuna ictiraaf helin waa iska sabbool oo wuu iska faro madhan yahay.”

Abwaan Hadraawi tilmaamay in dawladnimadii Somaliland ee xoriyadda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26 June 1960 si fudud oo aan wax shuruud ah lahayn loo geeyey Xamar, kadibna halkaas lagala kulmay dhib iyo burbur xooggan oo ay ugu horraysay caddaallad-darro ku salaysan saami-qaybsigii hay’adaha dawladda ee labadii dal ee isku biiray oo kala ahaa Somaliland iyo Soomaaliya.

“Somaliland waa tii ku dhawaaqday gooni-isu-taageeda, waana tii loo dabaal-degay ee la hambalyeeyey, loona duceeyey, maantana waxa Somaliland gacanta ku haya dadkii lahaa, markaa haddii ay wax ka dhigayaan iyo haddii aanay waxba ka dhigayn labadaba iyagay jirtaa,” ayuu yidhi Hadraawi, isagoo intaas ku daray, una duceeyey Somaliland iyo Soomaaliya; “Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu Xamar sidii roon siiyo, innagana (Somaliland) Illaahay sidii roon ayaan innooga baryayaa”

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) Illaahay uga baryey inuu dawladnimo u soo celiyo Soomaaliya, kana dul-qaado dhibaatooyinka, isagoo  ku duceeyey in Ilaahay Somaliland dawladnimada u barakeeyo, Xamar-na dejiyo, una barakeeyo dawladnimooda.
Hargeysa Somaliland.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *