Garoowe(ANN)Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa maanta shaqadii ka eryay afar ka mid ah wasiiradiisa, isla markaana magcaabay wasiir xigeeno cusub iyo kuwa xilka laga qaaday bedelkoodii. Sidaana waxa lagu sheegay  wareegto maanta  kasoo baxday madaxtooyada Garoowe ee

Maamulka C/raxmaan Faroolle. 
Wasiirada shaqada laga eryay ee xilka laga qaaday  waxaa ka mid ah  Wasiirkii Warfaafinta C/xakiim Axmed Guuleed oo ahaan jirey Wadaad mayal adag. Ka hor intii aanu  u diga rogan dhinaca  Siyaasadda ee aan  xilkaa  loo magcaabin  dhamaadkii 2009, taas oo ka danbaysay markii  wasiirkii ay isku haybta ahaayeen ee Seefta Banaanka lagu diley Magaalada Gaalkacayo badhtamihii 2009-kii, wuxuuna wasiirkani ahaa  mudadii uu xilka   hayay  Afhayeenka  Maamulka Puntland ee Faroolle.

Sidoo kale waxaa Wasiirnimadda laga qaaday xilka waxa ka mid ah Wasiirkii Duulista iyo Garoonadda Axmed Garaash, Wasiirkii Ciyaaraha Maxamed Nuur Caga-weyne, wasiirkii Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Xasan Cabdi Maxamed.
Wareegtada Maamulka Puntland  waxaa kaloo ku cadayd wasiiro cusub oo loo magacaabey wasaaradahaa iyo wasiiro ku xigeeno,  iyadoo aanay dadka deegaanka maamul goboleedka  Puntland  fahmin ujeedada wasiiradda shaqada laga eryay iyo  waxa keeney isbedelkan oo ay dadka qaarkood u arkaan mid deg deg ah.
Wasiirada cusub iyo kuxigeenada  cusub ee Maamulka Puntland  magcaabay ayaa magacyadoodu yihiin sidan:
1.    Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo garoomada; Cali Axmed Gamuute
2.    Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta; Axmed Cali Askar
3.    Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka; Eng.Maxamuud Xaaji Saalax
4.    Wasiirka Wasaarada Shaqada,Shaqaalaha,dhalinyarada iyo Isboortiga; C/weli Xirsi Cabdulle  Indho-guran.
5.    Wasiir Kuxigeenka degaanka,duurjoogta iyo Dalxiiska; Burhaan Cilmi Xirsi
6.    Wasiir kuxigeenka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada; Faarax Seed Cilmi
7.    Wasiir kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka ; Axmed Cigaal Cawaale
8.    Wasiir kuxigeenka Shaqada,Shaqaalaha,dhalinyarada iyo Isboortiga; Cismaan Cawad Cali
9.    Wasiirka Kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada; Maxamuud Maxamed Idris
10.    Wasiir kuxigeenka Howlaha guud iyo gaadiidka; Faarax Cali Cabdi

Araweelonews Mobile Puntland Office

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *